Muxuu yahay tababarka heer sare ee maanta laga furay Muqdisho? +Sawirro

Posted on




Muqdisho (Wararka Maanta) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho tababar heer sare ah looga furay saraakiil ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed, kuwaas oo si gaar ah loo soo xulay.

Tababarkan oo ay fureen wasiiru-dowlaha wasaaradda amniga gudaha Maxamed Xagaa iyo Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska S/guuto Cusmaan Kaniif ayaa waxa uu socon doono muddo.

Saraakiisha ayaa qaadan doona tababar ku saabsan barashada heerarka kala duwan ee hoggaaminta iyo maamulka ciidanka, waxaana tababarku inta uu socdo bixin doona macalimiin ka tirsan booliska iyo bahda cadalaadda.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sanadihii dambe si weyn loo tayeynayay, ayada oo dhowrkii bilood ee u dambeysay ay soo baxeen dafcado cuusb, oo qaarkood ay tababarka ku qaateen dugsiga tababarrada ciidanka booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye.

Ciidankaas ayaa hadda qeyb ka ah booliska Soomaaliyeed, iyagoona ka qeyb qaadanaya dadaalada lagu xakameynayo dhagarta kooxaha argagixisada ay bulshada Soomaaliyeed u soo maleegaan.

Si kastaba, ciidamada Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa xilligaan dagaal kula jira kooxda Al-Shabaab, ayada oo dowladda sheegtay inuu qorshuhu yahay in muddo kooban lagu soo afjaro kooxda.










Source link