Muxuu yahay iskaashiga cusub ee maanta gaareen Somalia iyo Italy? + Sawirro

Posted on




Rome (Wararka Maanta) – Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa iskaashi cusub dhidibada u taagay, kaasi oo la xiriira dhinacyada u diyaar garowga iyo ka jawaab celinta halisaha dabiiciga ah.

Iskaashigan cusub ayaa si gaar ah u dhex-maray hay’adda SODMA iyo hay’adda maareynta musiibooyinka ee dowladda Talyaaniga, ayada guddoomiyaha SODMA Maxamuud Macalin iyo wafdi uu hoggaaminayo ay booqasho ku tageen xarunta hay’adda Italian Civil Protection Department.

Wafdigan ayaa waxay si gaar ah booqasho ugu kala bixiyeen heerarka kala duwan ee xarumaha hay’adda oo kala ah; heer qaran, heer gobol iyo heer degmo.

Ujeeddada booqashada ayaa ahayd in labada dhinacba ay dhidibada u aasaan xiriir la isaga kaashanayo xirfadaha shaqo iyo aqoonta la xiriirta maareeynta khataraha musiibooyinka.

Waxaa booqashadaas gudoomiyaha ku wehliyay madax sare oo ka kala socday Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS iyo hay’adda SODMA.

Wafdiga ayaa mid mid u booqday xarumaha muhiimka ah ee nidaamyada Maareynta khataraha musiibooyinka heerarkooda kala duwan ee Talyaaniga – Saddexda heer ee (heer qaran, heer gobol iyo heer degmo).

Labada dhinac ayaa ku heshiiyey in ay dardar-geliyaan fulinta qorshe wax ku ool ah oo la isaga kaashanayo dhinacyada u diyaar garowga iyo ka jawaab celinta halisaha dabiiciga ah.










Source link