Muxuu yahay go’aanka ay maanta DF ka dhaqan-gelisay dekedda Muqdisho?

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u dhaqan-gelisay hanaanka khidmad dhimista ee dhawaan uu go’aamiyay qaraarkii golaha wasiirrada Soomaaliya.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa go’aanka dhaqan-gelisay, kaas oo lagu dhimayo 50% lacagta looga qaado iskaanka lagu hubiyo badeecadaha kasoo dega dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.

“Wasaaradda Maaliyadda waxa ay ganacsatada Soomaaliyeed la wadaagaysaa in maanta oo Isniin ah taariikhduna tahay 26-ka Agoosto 2024, si rasmi ah loo dhaqan-geliyo heshiiska khidmad dhimista ee lagu go’aamiyay qaraarkii gilaha wasiirada JF qodobkiisa 5-aad, faqradiisa 1-aad kuna saabsan in la dhimo khidmada laga waado iskaanka lagu hubiyo badeecadaha,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda maaliyadda.

Sidoo kale waxaa lagu yiri qoraalka “Si loo horumariyo dakhliga dowladda, wasaaradda maaliyadda waxaa ka go’an in ay si hufan ugu adeegto bulshada, isla markaana loo dhimriyo shacabka Soomaaliyeed iyo ganacstada canshuur bixiyeyaasha ah oo door muhiim ah ku leh sare u qaadidda dakhlkga gudaha.”

Wasaaradda ayaa sheegtay inay ku dadaaleyso had iyo goor in la xaliyo cabashooyinka ganacsatada Soomaaliyeed, xilli uu dhawaan khilaaf xooggan soo kala dhex galay ganacsatada Muqdisho iyo wasaaradda maaliyadda.

Toddobaad kahro unbey aheyd markii golaha wasiirrada ay meel-meriyeen qaraarka lagu dhimay qiimaha laga qaado ganacsatada, ayada oo sidoo kale qararkan lagu baabi’iyay heshiisyo dhowr ah, kuwaas oo kamid yihiin:

(b) Heshiiska lagu fuliyo adeegyada la socodka koonteenarada ee electrooniga ah (electronic container tracking) oo ay horay loo galay.

(t) Heshiiska lagu fuliyo adeega dhaqista koonteenarada (container cleaning services) oo horay loo galay.

(j) Heshiiska fayadhawrka ee Dowladda Hoose.



Source link