Muxuu Xassan Shiikh kala hadlay Masuuliyiinta gobolada woqooyi ku metela DF? (Sawirro)

Posted on

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan Qado sharaf ah la qaatay mas’uuliyiinta hay’adaha dowladda Federaalka ku matala gobolada Waqooyi ee dalka.

Xassan Shiikh ayaa la wadaagay masuuliyiinta dadaalka ay dowladdu ku bixinayso ka hortaga faragelinta shisheeye iyo ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiinta ku bogaadiyay doorkooda isku haynta bulshada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si adag uga hadlay xadgudubka dowladda Itoobiya ee ka dhan ah madaxbannaanida Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in heshiiska aan sharciga ahayn ee dhexmaray Muuse Biixi iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu yahay mid si toos ah uga hor imaanaya qaranimada iyo midnimada Soomaaliya.

“Arrinta aan diidannahay ma ahan horumar iyo iskaashi la soo kordhiyo ee waa in dhulkeenna la qaato. Mitir dhulkeenna ah in la qaatana ma ogalin. Shalay Dekedda Berbera annagu ma bixin, saas oo ay tahay kama daba hadlin, waayo waxaa noo muuqatay inaan la qaadanayn oo ay ahaanayso deked Soomaaliyeed, balse maanta arrinta taagan taas waa ka duwan tahay” ayuu yiri Madaxweynaha.

Xassan Shiikh ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xuso halgankii gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ay ku bilaabeen xorriyadda dalka, waxa uuna bogaadiyay dadaalka iyo midnimada guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan sidii loo xaqiijin lahaa himilooyinka qaranka iyo hiigsiga ay inoo ka tageen aabeyaasheen.

Source link