Muxuu R/wasaare ku-xigeenka kusoo arkay xerada Jeneral Dhagabadan? + Video

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac ayaa kormeer ku tegey xerada tababbarka ciidanka xoogga ee Jeneral Dhagabadan.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa halkaasi kula kulmay horin ka mid ah ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo qadanaya tababar sare loogu qaadayo xirfadooda ciidan, isaggoo isha soo saaray qeybaha kala duwan ee xerada.

Sidoo kale wuxuu ra’iisul wasaare ku-xigeenka xariga ka jaray qeyb cusub oo lagu soo kordhiyay dugsiga tababarka, kaasi oo uu gacan weyn ka geystay Midowga Yurub, oo ka taageeray Soomaaliya.

“Qaar kamid ah ciidanka uu tabarka u socdo ayaa iiga warbixiyey casharrada ay qaadanayaan iyo sida ay waxgal ugu noqon doonaan u-diyaarsanaantooda hawlgalladooda iyo guud ahaan amniga iyo xasiloonida dalka,” ayuu yiri mudane Saalax oo warbaahinta dowladda la hadlay.

Mudane Saalax ayaaa kula dardaarmay ciidanka uu tababarka u socdo in markii ay dhameystaan waxbarashada ay dalkooda ugu adeegaan daacadnimo, “waxaan idinkula dardaarmaya in aad ahaatan niman aaminsan inay wax wanaagsan qabanayaan, aadna Ilaahay ku xirnaatan.”

Dowladda federaalka ayaa muddooyinkii dambe sare u qaaday tababarka ciidanka, kuwaasi oo lagu tababarayo gudah dalka iyo dibadaba, si ay awood ugu yeeshaan hanashada amniga dalka, maadaama qorshuhu yahay inay dhowaan la soo gaba-gabeeyo hawl-galka ATMIS.

Ciidamada ayaa bilihii u dambeeyay ciidanka ATMIS kala wareegay saldhigyo muhiim ah oo ay ku sugnaayeen sanado badan, kuwaasi oo ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada Soomaaliya.

Hoos ka daawo



Source link