Muxuu Madaale ku diiday inuu u dhaqmo sida guddoomiyeyaashii ka horreeyay?

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ka qayb-galay Barnaamijka Dood Furan ee Telefishinka Universal ayaa waxaa laga waydiiyay arrimo ku aadan xaaladda magaalada Muqdisho iyo mararka qaar dibad-baxyada ka dhaca.

“Markii banaanbaxyo dhacaan gudoomiyeyaashii gobolka sida AUN Eng.Yariisoow,Taabid iyo Cumar Filish Intay banaanbaxayaasha dhax tagaan bay qancin-jireen adigana Gudoomiye Madaaloow Xabad iyo Askar baa kaasoo horreysa,Maxaa kuu diiday sidoodii oo kale? Ayuu waydiiyey mid kamid a ka qayb-galayaasha doodda.

Intaas kadib waxaa hadalka qaatay duqa Muqdisho oo sheegay in dibad-baxyada ay hadda ka yaraadeen sidii hore, isaga oo xusay in ay suuragal tahay in dadka isku soo baxaya ay kusoo dhex dhuuntaan Al-Shabaab, sababtaasna uu uga baaqsado inuu tego.

“Banaan-baxyada markii hore haddii ay badnaan jireyn hadda ma badna oo waa hal iyo labo mararka qaarkood waxaa dhici kareyso nimankii aad ogeedeen ayaa laga yaabaa inay ku hoos jiraan” ayuu yiri guddoomiye Madaale.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in maamulkiisa uu mar kasta ku dadaalo xallinta arrimaja markaas laga cawdo, isaga oo tusaale usoo qaatay xalkii ugu dambeeyay ee laga gaaray cabashada Bajaajleyda.

“Marka inaan u tego oo la hadlo oo iska kala taga yiraahdo waxaan ka door biday inay waxa ay ka cabanayeen inaan abaaro oo ka shaqeeyo, Bajaajleydii hadda ugu dambeysay waxay ka cabanaayeen kuli waa ka shaqeynay” ayuu mar kale yiri guddoomye Madaale.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “In wax la xalliyo ayaa sax ah ee haddii la dhex istaago iyo haddii aan la dhex istaaginbo oo inta laga soo tago la’iska daneysto wax wayn masoo kordhineyso”.



Source link