Muxidiin Saabey oo shaaciyay go’aan culus kadib soo laabashadiisii

Posted on

Muqdisho Wararka Maanta) – Agaasimihii hore ee canshuuraha barigga u qaabilsanaa wasaaradda maaliyadda Soomaaliya Muxudiin Xasan Jurus (Saabey) oo dhowaan dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa xalay kulan isugu yeeray siyaasiyiinta, waxgaradka nabadoonada, haweenka iyo culumo-udiinka Beesha Mudulood, isaga oo kula wadaagay qorshihiisa.

Saabey ayaa sheegay in uu go’aansaday inuu iska iloobo wixii horay loogu gaystay, isaga oo aad uga mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay Muqdisho, kadib soo laabashadiisii.

“Waxaan idin caddeyneynaa dowladda wax cuqdad ah oo aan u qabno ma jirto qof aan uga xunahay wixii dhacay malaha wixii horay noo galay waxaa naga baxshay tolkii nasoo dhaweeyay oo illaa garoonka noogu yimid” ayuu yiri Muxudiin Saabey.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Xaafaddii hal sano ayaa la moogaa in la barto waa la rabaa oo duqii ma joogaa aan la dhihin, ilaahey waa na soo aruurshay waan joognaa”.

Muxudiin Saabey ayaa ka baxsaday kiis ay ku soo eedeeyeen xafiisyada xeer ilaalinta guud iyo hantidhowrka qaranka, kaas oo la xiriiray musuq maasuq ka dhex dhacay hey’adaha dowladda, balse markii dambe waxaa dembigaas ku weysay maxkamadda gobolka Banaadir.

Ninkan ayaa Soomaaliya uga baxay safar dhulka ah, markii uu ogaaday in la xirayo, wuxuuna 13 bilood kadib kamid noqday masuuliyiin ay maxkamadda gobolka Banaadir ku weysay dembiyadii loo heystay.

Sidoo kale Odayaashii dhaqanka ee beeshiisa ayaa madaxweynaha ka codsaday inuu wiilkooda siiyo mag-dhowgii uu u balan qaaday qofkii inta lasoo eedeeyo dembi lagu waayo.

Masuuliyiinta Saabey lala eedeeyey waxaa ka mid ahaa labadii Agaasime ee soo maamushay hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, waxaana si lamid ah ninkaan lagu waayey eedeymihii uga yimid xafiisyada Hantidhowrka iyo Xeer ilaalinta.

Madaxweyne Xasan Sheekh markan waxaa looga fadhiyaa inuu bixiyo magdhowgii uu ka balan qaaday qof kasta oo masuul ah oo inta maxkamad la geeyo lagu waayo xatooyo xoolo dadweyne.



Source link