Muuse Biixi oo si adag ugu jawaabay Turkiga xilli uu soo afjarmayo heshiiski badda

Posted on

Hargeysa (Wararka Maanta) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si adag uga hadlay dadaaladda uu Turkiga ku doonayo inuu meesha uga saaro heshiiskii badda ee Somaliland iyo Itoobiya.

Heshiiskan oo xad-gudub ku ahaa madax-banaanida Soomaaliya ayaa xilligan u muuqda mid soo afjarmaya, ayada oo wejiga labaad ee wada-hadallada xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya uu Ankara ka furmayo maalinta berri ah.

Muuse Biixi ayaa gef ku tilmaamay in Turkiga uu soo faro-geliyo arrimaha Somaliland, isaggoo sheegay in marnaba aysan aqbaleyn in Soomaaliya la hoos geeyo, ayna yihiin dal madax-banaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Shalay waxaa jaraa’idka caalamka kusoo baxay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga oo arrimaha Somaliland soo faro-geliyay oo yiri waxaan ku talinayna in Itoobiya ay Somaliland usoo marto Xasan Sheekh, taasi waa gaf qarannimada Somaliland, taasina aqbali mayso Somaliland,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Waxa uu intaas kusii daray “Wasiirka waxaa u sheegaya taas waxay lamid tahay in aad tiraahda qoraxdii ayaa galbeed kasoo baxday, suurtoobi meysana in Somaliland looga taliyo Xamar.”

Hadalka Muuse Biixi ayaa imanaya xilli uu socon waayey qorshaha is-afgaradkii Addis Ababa loogu rogayay heshiis rasmi ah, iyada oo lagu wado in Itoobiya ay si xeeladeysan uga laabato gebi ahaanba heshiiskaasi oo Somaliland ay sheegtay inay ku beddelaneysay aqoonsi.

Si kastaba, dowladda Turkiga ayaa si laba jibaartay dadaalkeeda ku aadan xal u helidda xiisadda diblumaasiyadeed ee ka dhex aloolsan dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska uu Abiy Axmed la gashay maamulka Somaliland.



Source link