Muuse Biixi oo si adag uga hadlay imaashaha Masar iyo go’aanka Somaliland

Posted on

Togwajaale (Wararka Maanta) –Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si adag uga hadlay heshiiska ay dowladda federaalka Soomaaliya la gashay dowladda Masar, isagoo ka digay khatarta Masar ay ku tahay gobolka, sida uu hadalka u dhigay.

Muuse Biixi oo galabta dadweyne isku soo baxay kula hadlay degmada Togwajaale ayaa ku celceliyey in heshiiskii ay la galeen Itoobiya uu dhaqan geli doono, isla markaana masiirkooda aysan u daba fariisa doonin Muqdisho.

“Qolada Xamar degan ee Masar saldhigga ciidan siisay, waxaan leenahay labo isma qabaneyso, inaad dhahdaan Soomaali ayaan mideyneynaa oo Xabashi nagu soo duushay ayaan iska difaaceynaa iyo Masar ayaan keensanayaa oo Somaliland ayaan xoog ku qabsanayaa wax suurtagal ah maahan,” ayuu yiri.

Wuxuu si adag u sheegay in imaasha Masar ee gobolka Geeska Afrika uu yahay khatar weyn, isagoo dowladda federaalka ku dhaliilay sababta ay heshiis ula galeyso wadan aysan xuduud wadaagin, iyagoo ka cararaya deriskooda.

“Ninka Masaari ii soo kaceystay heshiis igama rabo, Itoobiya anagu dhul ma siineyno ee waan ka kireynay, waxbaan is dhaafsanay waana ku qasbanahay oo deris baan nahay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Muuse Biixi ayaa u jawaabay dadka ku dooda sababta ay Somaliland heshiis ula geleyso Itoobiya oo dowlad kirishtana ah, “Sharciga anaga kirishtanka noo diidaya, Sacuudigana u ogolaaday inay Shiinaha iyo Mareykanka heshiis la galaan, kitaabkee qoraya?” Ayuu yiri Muuse Biixi.

Madaxweynaha ayaa u jawaabay Soomaalida ku nool dalka Kenya ee ka soo horjeeda qorshaha Itoobiya ay heshiiska kula saxiixatay Somaliland, “qolada Kenya degan waxaan leeyahay aan ahaano dad deris ah, Soomaali hadaa rabtaan idinkaa wax ku darsa lahaa, xuduud ma wadaagno, Soomaalina ma rabtaan ee maxaa nagu heysataan?” Ayuu yiri.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in MoU Somaliland iyo Itoobiya uu banaanka soo dhigay cadow badan oo Masar gacal u arkaayey, isagoo dadkii uu la hadlaayey ugu baaqay inay garab istaagaan dadka ay u arkaan inay difaacayaan qadiyadda Somaliland.

Hoos ka daawo



Source link