Muuse Biixi oo ka hadlay jabhad maamulkiisa kasoo horjeeda oo lagu soo dbaweeyay dalka …

Posted on




Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa markii u horraysay ka hadlay jabhad ka horjeedda Somaliland oo la sheegay in lagu soo dhaweeyay dalka Jabuuti.

Madaxweyne Biixi oo arrintaasi ka hadlaya ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in dowladda Jabuuti soo dhaweyso jabhad ka dhan ah jiritaanka maamulkiisa Somaliland.

Waxa uu sheegay in ay gudaha Jabuuti isku urursanayaan oo ka soo hanjabayaan jabhad la baxday Awdal State oo sheeganaya in ay xoraynayaan gobolkaasi Awdal.

“Waxaan arkayay jabhado jabuuti dhexdeeda ka soo dhex hanjabaya oo leh Awdal baanu xoraynaya, halkaa kamaan filayn, haday jabuuti sidaa la noqotay waxay noqoto ayaynu sugaynaya” ayuu yiri madaxwayne Muuse Biixi.

Waxa uu intaasi raaciyay in muxaafad iyo mucaaradba ay ka midaysanyihiin difaacista Somaliland isla markaana qofkii kii ka baxa ee mabda’ kale la yimaadaa uu yahay qof cadowga la soo saftay.

 




Source link