Muuqaal murugo leh hooyo dhisme guri ka shaqeysa oo fagaare lagu bahdilay

Posted on

Baydhaba (Wararka Maanta) – Baraha bulshada waxaa maanta aad loogu faafiyey muuqaalka haweeney waayeel ah oo ka shaqeyneysa dhismayaasha guryaha oo nin oday ah uu ku qasbayo shaqada, iyadoo la hadleysa Telefishin.

Wiil weriye ah oo ka socoday Bay TV ayaa si kedis ah ula kulmay Hooyo ka mid ah shaqaale dhisaya guri, bartamaha magaalada Baydhaba, wuxuuna go’aansaday inuu ka qaado wareysi.

Daqiiqado kooban oo wareysigaasi uu socday kadib waxaa goobta yimid ninkii masuulka ka ahaa dhismaha guriga, wuxuuna u gacan qaaday Maamadii oo TV-ga u warameysa, waxayna u carartay dhanka shaqada.

Goobta waxaa ka socday dhisme guri weyn, shaqaalaha dhisaya gurigaas sida caadiga ah wuxuu ahaa rag, balse waxaa ku jirtay haweyneydaan, waana sababta uu weriyuhu u go’aansaday inuu wareysto.

Maamada ayaa wareysigaas ku sheegtay in maalinkii ay dhismahaas ka hesho $5 isla markaana ay ku biilato carruurteeda, markii la yiri “maxaad codsanee” waxay ku jawaabtay inay shaqeysaneyso.

Daqiiqado kooban oo wareysigaasi uu socday kadib, waxaa goobta yimid ninkii masuulka ka ahaa guriga la dhisayo, wuxuuna labada garbood qabtay maamadii, isagoo u tuuray dhinaca shaqada kuna yiri “Shaqeyso waqtiga ha beerdareyne.”

Intaas kadib waxaa baahay muuqaalkii, dadka Soomaaliyeed oo ka carooday sida loo qasbay maamada, duruufta ay ku shaqeyneyso iyo culeyska shaqada ay qabaneyso oo qof haween ah aan looga baran ayaa aad loo falanqeeyey.

Daqiiqado kadib waxaa lasoo duubay muuqaalka ninkii odaga ahaa ee maamada qasbay oo xabsiga loo sii wado, kadib markii lagu dacweeyey ciidamada ammaanka, waxaana lagu xiray saldhigga magaalada Baydhabo.

Hoos ka daawo



Source link