Jigjiga (Wararka Maanta) – Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa markii u horreysay sheegay in aan loo joojineyn dadka kasoo horjeestay shirweynaha muranka dhaliyay ee wada-hadalka qaran ee Itoobiya.
ONLF ayaa dhawaan qaadacday shirkaan, iyadoo saluug ka muujisay tallaabooyinka ugu dambeeyay ee xisbiga tallada haya ee gobolka Soomaalida, taas oo hoos u dhigtay kalsoonida wada-hadalka, maadaama uu si iskiis ah usoo xushay xubnaha ka qayb-galaya madasha.
Madaxweyne Cagjar ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in shirwaynaha wada-hadallada Itoobiya uu yahay mid u furan guud ahaan dadka ku dhaqan dalka Itoobiya, kana madax-banaan dowladda oo ay maamulaan guddiyo laga soo kala xulay dhamaan deegaanada ay ka kooban tahay Itoobiya.
“Deegaanka Soomaalida waxaa laga soo xulay dad gaaraya 70 xubnood, oo isugu jira siyaasiyiin hore, culimaa’udiin, madax dhaqameedyo iyo xubno ka socda Jaamacadaha deegaanka,” ayuu yiri madaxweyne Cagjar oo sheegay in xubnahaasi yihiin kuwa rasmiya ah ee shirwaynahaas ku matalaya dowlad deegaanka Soomaalida.
Sidoo kale wuxuu sheegay in guddida howshan wada ay dadaal badan ku bixinayaan sidii ay cid walba oo wax tabanaysa ay uga soo qayb-galin lahaayeen shirwaynahan wada-hadalka heer qaran ee Itoobiya, isagoo dhinaca kale duray ONLF.
“30 sano ayay lahaayeen ONLF anagaa matalna shacabka, ma matalaan, qabiilna kuma matalaan oo ururna kuma matalaaan, urur urur bay ka yihiin, qabiilna meelaha ay sheeganayaan meelo kamid ah oon ahayn ayaa jirta,” ayuu yiri madaxweyne Cagjar.
Si kastaba, hadalka madaxweyne Cagjar ayaa imanaya xilli ururada qaarkood oo ONLF kamid tahay ay qaadaceen shirwaynaha, iyadoo lasoo warinayo in guddiga ku howlan qaban-qaabada shirwaynahan ay qaateen in cid walba ku qanciyaan sidii ay uga soo qeyb-gali lahaayeen shirka.