HORDHAC: Qormadan waxay si gaar ah u khuseysaa maggaalada Muqdisho, (Caasimadda Soomaaliya), inkastoo aan si kooban (summary) wax uga taaban doono Dowladihii ka dambeeyay bur-bur kii dowladdii Kacaanka iyo maamul kasta wixii uu kusoo kordhiyay Caasimadda – waa haddiiba uu wax kusoo kordhiyay).
Waxaan ahay nin ku Xamar ku dhashay, ku koray, wax ku bartay, shaqo ka bilaabay, kasoo shaqeeyay hay’ado kala duwan, soo qabtay jagooyin sare oo kala duwan ilaa heer wasiir. Waxaan ka mid ahay dadka aad uga xanuunsada dhibaatada ay dagaalladii sokeeye u geysteen guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan caasimadda dalka ee Muqdisho.
Dalkan iyo caasimaddiisa waxaa ku dhacay dhibaatooyin aan lasoo koobi Karin oo ay u geysteen Soomaalida lafahaantooda ayna ugu kaalmeeyeen dhibaateyntiisa quwado shisheeye.
Wax badan ayaa laga qoray bur-burka saameeyay Dalka oo dhan sidaas darteed ujeedkeygu ma ahan inaan qormadaan uga hadlo dhibaatadii guud ee Dalka, waxaan si gaar ah uga faalloon doonaa dhibaatooyinka u gaarka ah Muqdisho laga soo bilaabo 1990 ilaa 2024.
Yaa ka dambeeyay bur-burkii Muqdisho bilowgii dagaalladii Sokeeye ee 90-yadii?
Subixii uu Maxamed Siyaad ka baxay Muqdisho, magaaladu 98% way bed qabtay waxaase islmarkiiba bilowday boob, bililiqo, ugaarsi beeleed, dil, burburin hantidii maguurtada ahayd ee Dowladda iyo midii shacabkaba; baabi’in xusuustii Qaranka (National Archives & Records).
Waxaa caasimadda kusoo xoomay dhallinyaro reer miyi ahaa oo siyaabo kala duwan loo soo geliyay Muqdisho; ka dibna si baahsan loogu adeegsaday dagaalladii sokeeye oo wax kasta galaaftay naf iyo maalba; taas oo macnaheedu yahay in bur-burkii Muqdisho uu sababsaday isla dadkii dowladdii Kacaanka ka ceyriyay Muqdisho.
Wixii ka horreeyay sanadihii 1990 – 2000, Muqdisho waxay ahayd meel wax kasta bannaan yihiin, oo ay fowdo baahsan ka jirtay (Total anarchy and violent crimes).
Dowladdii Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed Isla maalintii uu Maxamed Siyaad Barre ka baxay caasimadda, wuxuu guddigii USC ee Muqdisho si deg-degsiimo ah ugu dhawaqay dowlad KMG ah, ayadoo aan laga talo gelin jabhadihii kale ee hubeysnaa, waxayna Madaxweyne u doorteen Cali Mahdi Maxamed.
Ku dhawaadistii Dawladii Madaxweyne Cali Mahdi, waxaa isla markiiba diidmo kala horyimid Jabhadihii kale, gaar ahaan Jen. Maxamed Faarax Caydiid oo hoggaaminanaayay garabkii Farjanno ee USCdii. Waxaa bilowday dagaal dhiig badan ku daatay oo u dhexeeyay dhinacyo kala duwan ee USCdii, Waxaana isla xilligaas sii xoogeystay fowdadii, dilkii, dhacii, bililiqadii oo magac u yaal ka dhigay dowladdii Madaxweyne Cali Mahdi, wax laga qabto iska daayee waxaa xilligaas si naxariis darro ah loogu dhex dagaallamay Muqdisho oo dhiig badan ku daatay, laguna baabi’iyay hantidii maguurtada ahayd, mid dowladeed iyo mid gaar ahaaneed.
Dowladdii Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad 2000-2004
Dowladdii lagu soo dhisay magaalada Carta ee Dalka Jabuuti, oo lagu doortay Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad, waxay guud ahaan soomaalida iyo gaar ahaan dadka degganaa Muqdisho rajo wanaagsan ka filayeen in laga biskoon doono dhibaatadii taagneed oo ay sabab u ahayd Dowlad la’aanta.
Hase yeeshee waxaa rajadaas gaashaanka ku dhuftay qab-qablayaashii dagaal ee Muqdisho, oo horjoogsadey in ay Dalka ka hanaqaaddo Dowladdii Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad; sidaas darteed, muddo xileedkaas waxba kama beddelin xaaladdihii murugada lahaa ee Muqdisho iyo guud ahaan Dalka ay ku sugnaayeen.
Dowladdii Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf Axmed (2004-2008)
October 10 keedi 2004tii ayaa la dhisay dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdullahi Yuusuf oo mar kale dadka iyo dalka ku abuurtay rajo dib u soo kabasho iyo dib u dhis qaranka soomaaliyeed. Dowladdaasu waxay ku guuleysatay in muddo ka badan 10 sano ka dib dalka dib looga maaamulo caasimaddiisa Muqdisho.
Hase yeeshee waxaa si ba’an u majaxaabiyay dagaallo ujeeddo badan lahaa iyo mucaarad oo ugu dambeyntii ku qasabtay inuu xilka ka dego Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf. Sabab kasta ha ahaatee, uma suurtoobin Dowladdii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf in ay wax macno leh ka qabato Muadisho, xag amni iyo guud ahaan arrimaha bulsho-dhaqaale ee Dalka.
Dowladdii Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed (2009-2012)
Jannaayo 30keedii 2009kii waxaa dalka Djibouti lagu soo dhisay Dowladdii Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed oo nasiib u yeelatay inay saldhigato caasimadda oo ay weli ku xoogganaayeen xubnihii Maxaakiimta Islaamiga.
Waxaa si buuxda Muqdisho uga howl galay Baarlamaakii, Xukuumaddii iyo Hay’adihii Garsoorka; hase ahaatee waxaa dagaal ba’an kala horyimid xubnihii muqaawamada islaamiga, ayadoo ay dagaalka qayb ka noqdeen ciidamadii Ethiopia oo garab siinayay Dowladdaas.
Dagaalkaas wuxuu mar kale u horseeday Muqdisho bur-bur hor leh iyo amni la’aan baahsan. Dhanka kale guud ahaan Dalka, waxay dowladdii Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed ka gaartey horumar dhanka dib u heshiisiinta iyo arrimamaha siyaasadda dalka.
Waxaa kaloo ay Dowladdii Madaxweyne Shiikh Shariiif ku guuleysatay in Dalku yeesho Dastuur Ku Meel Gaar ah, kadib shirar badan, iyo dood adag. Dastuurka KMG wuxuu beddelay Axadi Qarameedkii (Transitional Charter) ee lagu ansixiyay Shirkii dib u heshiineed ee Nairobi, waxaa kale 00 ay dowladaas xoogaa horumar ah ka sameysay amniga Muqdisho.
Dowladdii Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ee 1aad (2012-2016)
September 10 keedii 2012kii, waxaa Loo doortay Xasan Shiikh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo si nadaam ah xilka ula wareegay; wuxuu Madaxweyne Xasan Shiikh nasiib u yeeshay inuu hoggaamiyo Dowlad rasmi ah oo ka baxday Ku meel gaarnimadii.
Muddo xileedkaas ee Madaxweyne Xasan waxaa horay loo ambaqaaday horumarna laga gaaray dowlad-dhiska, hirgelinta 4 maamul goboleed iyo guud ahaan dhanka xiriirka caalamiga. Waxaa la qaaday tallaabooyin diblomaasiyadeed oo lagu hormarinaayay danaha Bulsho-dhaqaale iyo siyaasadeed ee Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.
Hase yeeshee, dhanka Muqdisho amnigeeda iyo maamul wanaageeda wax horumar la taaban karo lagama sameyn xilligaas. Sidii Maamulladii ka horreeyay oo kale, waxay Caasimaddu marti u sii ahayd dayacnaan ba’an oo dhan kasta ah.
Dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmajo (2017-2022)
Muddo xileedkii Madaxweyne Farmaajo waxaa dowlad dhiskii laga sii ambaqaaday halkii uu Madaxweyne Xasan Shiikh uga tagay.
Waxaa horumar laga sameeyay dhanka dib u dhiska ciidamada amniga, nadaaminta iyo ururinta dakhliga gudaha, horumarinta hannaanka maaliyadeed, bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo guud ahaan waxyaabihii qabyada ahaa ee horay u socday.
Hase ahaatee xaaladda Muqdisho halkeedii ayey taagneed, wax isbeddel horumar ah Muqdisho kuma tallaabsan, gaar ahaan dhanka amniga, bilicda iyo arrimaha bulsho-dhaqaale.
Geba gebo
Muqdisho Waa laga shaqeystaa ee looma shaqeeyo.
1-Arrimaha siyaasadeed (Maqaamka Muqdisho)
Laga soo bilaabo dowladdii lagu dhisay Nairobi 2004tii, waxaa Dowladnimada Soomaaliyeed lagu saleeyay Axdi Qarameedkii lagu ansixiyay shirweynihii dib-u heshiineed ee Nairobi (Transitional National Charter) oo ay qodobbadiisa ka mid ahaayeen in Muqdisho loo yeelo maqaam gaar ah. Markii loo guuray Dastuurka KMG ah waxaa isna lagu qeexay Maqaamka Muqdisho.
Mas’uuliyaddaas waxaa dusha loo saarey Golaha Shacabka. Haddaba, su’aashu waxay tahay “maxaa loo hirgelin la’yahay qodobkaas dastuuriga ah ee ku saabsan Maqaamka Caasimadda?.” Jawaabtu waxay tahay in madaxdii isaga dambeeyay maamulka Dalka laga soo bilaabo 2004tii halkii ay fulin lahaayeen qodobka Maqaamka Muqdisho ay ka door bideen in Maamul Kasta madaxdiisu u magacaabaan Gobolka Banaadir (Muqdisho) shakhsi u adeega danahooda siyaasadeed iyo dhaqaale.
Waxay ka baqaayeen in haddii ay Muqdisho maqaam gaar ah yeelato, ay dhaceyso in Soomaalida deggan dooranayaan madaxdii iyo maamulkii hoggaamin lahaa, meeshaasna ay ku waayaan ku daneysigii wejiyada badnaa ee siyaasad-bulsho-dhaqaale ee Muqdisho. Arrintaan waxaa Dowladahaas ugu kaalmeynayey xilli kasta reer Annagaa Leh (qayb ka mid ah) oo ka baqaya in maamulka sare ee Muqdisho/GB lagula tartamo hadii lakala qaado Duqa Magaalada Muqdisho iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
2-Laamaha kala duwan ee dowladda ee salshigtay Muqdisho (Golaha Shacabka, Aqalka Sare, Xukuumadda iyo Garsoorka)
Muddo kor u dhaafeysa 20 sano ayay dowladihii kala dambeeyay iyo heerarkooda kala duwan (Gole Shacab, Aqal Sare, Gole Fulin iyo Garsoor), waxay ku howl gelayeen Magaaladda Muqdisho.
Waxaase ayaan darro nogotay in 275 xubnaha Golaha shacabka, 54 Xubnaha aqalka sare, 70 ama ka badan xubnaha Golaha wasiirrada oo isugu jira (wasiirro, wasiirro ku xigeenno, iyo wasiirru-dowlayaal) oo in ka badan 95% degaan ahaan ku uruureen aagga Madaxtooyada iyo hoteello u dhow Xalane/airport ka.
Xubnahaas 3-da Qaybood ah ee kor ku xusan waxay isugu jiraan:
a) Qayb dibad joog ah (Diaspora) oo ku soo biiray qaybaha kala duwan ee maamulka sare iyo dhexe; qolooyinkaan intooda badan waxay u dhaqmaan sida ajaanib usoo shaqo tagay Soomaaliya, oo markay waayaan xilka si deg-deg ah dib ugu laabta dalalki ay dibad joogga ku ahaayeen.
Inta ay dalka joogaanna dhaqaalihi ay xalaal ama xaaraan ku helaan ma geliyaan Muqdisho ama gobalada kale ee dalka, waxayse u dhoofiyaan dibada, guryo kama dhistaan Muqdisho, wax horumar ah oo kalena kuma soo kordhiyaan, xataa kharashka ku baxa inta ay joogaan xamar waxaa laga bixiyaa dakhliga kasoo xarooda Magaalada Muqdisho.
b) Waxaa jira qayb kaloo ka mid ah madaxda sare ee Dowladda Dhexe muddo 15 sano ka badan ka tirsanaa (golayaasha iyo garsoorka) oo aan xataa 1 (hal) sandaqad ka dhisan ama ka iibsan Muqdisho, oo dakhliga ay helaan u xawila gobollo Dalka ka mid ah.
Qaybtaan waxaa ku jira koox markay waayaan jagada si deg-deg ugu dhoofa gobollada ay ka soo jeedaan, oo markay tagaan qirta in ay dambi ahayd kamid ahaanshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, cafisna weydiista madaxda gobollada ay tageen. Waa wax wanaagsan in la camiro gobollada dalka, hase yeeshee meesha aad magaca, maamuuska iyo dhaqaalaha ka heshay, in aan hanti lagu yeelan haba yaraatee, waa wax lala yaabo.
3-Maamulka loo magacaabo Muqdisho (Gobolka Banaadir)
Laga soo bilaabo Dowladdii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf, waxaa mar kasta loo magacaabayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duga Magaalada, dadka sheegta inay Muqdisho leeyihiin (reer Annagaa leh).
Hase ahaatee qofka la magacaabayo looma fiiriyo waaya aragnimaddiisa maamul, aqoontiisa, karti iyo hufnaantiisa, looguma talo galo inuu wax ka qabto dhibaatooyinka baaxadda weyn ee haysta Caasimadda iyo shacabka deggan, balse waxaa saldhig looga dhigaa qofka loo magacaabayo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir inuu si hoose uga soo jeedo reer Annagaa leh, inuu yahay qof u adeegaya danaha gaar ahaaneed ee Madaxda Dowladda dhexe iyo tiisa kaliya, inuu si indho la’aan iyo dhega la’aan ah u fuliyo awaamiirta iyo rabitaanka madaxda dowladda sax iyo khalad, inuu dakhliga laga ururiyo dadka deggan Muqdisho aan wax loogu qaban bulshada, inuu dakhligaa ku wareejiyo ciddii uu u tilmaamo Maamulka Sare, ha ahaato lafahaantooda ama ciddii kale ee lagu naasnuujinayo, amaba ay Madaxda Maamulka Gobolku leexsadaan.
Waxaa shacabka Muqdisho oo 99% deris la ah saboolnimo, amni darro, ciriiri iyo dhibaato ay ku qabaan maritaanka waddooyinka. Intaa waxaa u dheer in markii ay wax uga baahdaan xafiisyada Gobolka Banaadir amaba kuwa Dowladda Dhexe lagu xujeeyo bixinta lacago laaluush ah.
Ku takrifalka shacabka kaliya ma aha ee waxaa si aan xishood lahayn loogu takrifalaa hantida maguurtada ah oo ay Hay’adaha Dowladda Dhexe iyo Gobolka Banaadir ku lahaayeen Muqdisho; hantidaas maguurtada ah waxaa qaybsada shakhsiyaad ku bahoobay boobka hantida ka dhexeysa umadda Soomaaliyeed ee taalla Caasimadda.
Waxaa intaas uga sii daran cadaalad darrada taal xafiisyada garsoorka, gaar haan qeybta madaniga, oo ula dhaqma shacabka Muqdisho iyo soomaalida kaleba si aan inta badan ku saleysneyn garsoor caadil ah. Waxaa la arkey hanti maguurta ah oo milkiyaddeedu saxantahay oo sanooyin badan ku jirtay iska dabawareeg oo kolba dhinac loo xukumo.
Qaabkaa gurracan oo ay ku timaado magacaabista Guddoonka Gobolka Banaadir, waxaa kasii daran qaabka loo magacaabo Ku-xigeennada Guddoomiyaha iyo Guddoomiyeyaasha 20ka degmo ee Gobolka Banaadir.
Magacaabista mas’uuliyiintaan looma xulo dad wax qabad laga doonayo, waxaa lagu keenaa qaab qaraabo kiil ah, qancin shakhsiyaad xiriir la leh Madaxda sare, waxaa lagu laaluushaa siyaasiyiin ama Guddoonka Gobolka ayaa keensada qaraabadiisa.
Lama soo koobi karo dhibaatooyinka haysta Soomaalida deggan Caasimadda waxaase laga xusi karaa shaqgo la’aan baahsan oo lagu qiyaasi karo 85%, lacago lagu sheego canshuur (mid gobol iyo mid federal) iyadoo inta badan aan lagu saleyn qaab sharci ah 00 soo maray hay’adaha Fulinta iyo sharci dejinta.
Madaxda jaangoysa canshuuraha kama warhayaan ama dan kama laha xaaladaha liita ee nolosha shacabka. Markaan si gaar ah u fiirinno sida canshuurta looga qaado guryaha ku yaal Muqdisho, waxaa loola dhaqmaa qaab ka baxsan nadaam maamul iyo qadarin la’aan.
Waxaa si caadi ah u dhaca, in gori caaradiis lagu kaxeysto dad guriga ugu jira kiro ama marti ku ah amaba waardiye ka ah, ayadoo la heli karo in milkiilaha guriga hadduu bixin waayo canshuurta maxkamad lagu dacweeyo ee laga qaado canshuurtii iyo ganaax la jira, halkii ay tacadi loo geysan lahaa dumar, carruur, waayeel iyo dad aan waxba ka khuseeyn bixinta canshuurta. Waxaad mooddaa in markii ay jirto baahi lacageed oo deg deg ah lagu qamaamo shacabka ay noloshii ku adkaatay.
Waxaa is weydiin leh, maxaa lagu tilmaami karaa shacabka waxaas oo dulmi, tacadi iyo ku takrifal dhan kasta ah lagu haayo ee u hoganayo, oo weliba ku dhawaaqayo Muqdisho Annagaa leh.
Sow caqliga caadiga ah sheegi maayo in qofku waxaa uu leeyahay dhibka ka dhowro, xannaaneeysto, diidana in lagu tacadiyo. Isma qaban karaan annagaa leh Muqdisho iyo haddana u damqan meyno dhibaatada sida joogta ah loogu haayo.
Waxaa in la xuso mudan, in reer Annagaa leh ay yihiin dad jecel dib u dhiska qaranka, wada jirka ummadda Soomaaliyeed iyo jiritaan Dowlad Soomaaliyeed, raallina ka yihiin in Muqdisho ahaato caasimadda Soomaaliya oo ka dhexeysa Soomaali oo dhan.
Waxaa amaan iyo bogaadin mudan laamaha amniga (Booliska iyo Nisa) ee ka howl gala Magaalada Muqdisho; gudashada waajibaadkooda waxay kala kulmaan dhibaatooyin aan la qiyaasi Karin sida: dil, dhaawac iyo dhaqaale xumo.
Waxaa wax qabadkooda qiimeyn kara qofkii Muqdisho joogay xilligii fowdada ee sagaashameeyadii. Xoogaaga xasilloonida ah ee ka jira Muqdisho waxay ku timid dulqaadka iyo naftooda hurinimada.
Waxaa iyana amaan mudan dhamaan Ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Muqdisho oo ayadoo lagu jiro xaaladaha aan soo xusnay u dhabar adeygay, qayb muuqatana ka qaatay camiraadda magaalada iyo horumarinta ganacsiga.
Waxaa xusid mudan in wixi ka horreyey Dowladdii Kacaanka ee 21-kii Oktoobar 1969, ay Muqdisho ahayd hal (1) degmo oo ka koobnaa xaafado.
Talo soo jeedin
1- In Golaha Shacabku sida ugu dhaqsiyaha badan u soo saaro Sharci qeexaya Maqaaamka Caasimadda.
2- In ay Dowladda Dhexe ku tallaabsataa meel marinta iyo hirgelinta sharciga Maqaamka Muaqdisho.
3- In la abaabulaa doorashada Golaha Maamulka Muqdisho oo asaguna dooranaya Duga Magaalada.
4- In laga guuraa nadaamka guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Duqa magaalada, maadaama labaduba ay khuseeyaan hal magaalo oo ah Muqdisho. Mas’uuliyadda maamulka Muqdisho waxay ku wareegeysaa Golihii la doortay iyo Madaxda ay u xulaan maamulka.
5- In Gudoomiyeyaasha degmooyinka ay shacabka degmooyinkaas degan soo doortaan.
W/Q: Abdullahi Ahmed Afrah
afrahaa245@gmail.com
Wasiirki hore ee ganacsiga ee DKMG iyo guddoomiyihii Bank horumarinta