Munaasabad weyn oo ka dhacday safaaradda Turkiga ee Muqdisho

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Waxaa galinkii dambe ee maanta xarunta safaaradda Turkiga ee Muqdisho ka qabsoomtay munaasabad heer sare ah oo xuska 102-aad ee Maalinta Jamhuuriyadda Turkiga.

Munaasabaddan ayaa waxaa lagu xusayay taariikhda dheer iyo guulaha Turkiga ka gaaray horumarka iyo dowlad-dhisidda tan iyo markii ay noqotay jamhuuriyad.

Munaasabaddan ayaa waxaa dowladda federaalka uga qeyb-galay ku-simaha ra’iisal wasaaraha ahna ra’iisal wasaare ku-xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac, guddoomiyaha golaha shacabka Aadan Madoobe iyo madax kale.

Mudane Saalax Axmed oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shacabka iyo dowladda Turkiga, isagoo ku ammaanay dadaalkooda ku aaddan horumarinta dowladnimada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in Turkiga iyo Soomaaliya uu ka dhaxeeyo xiriir saaxiibtinimo iyo mid walaaltinimo oo soo jireen ah, oo ku dhisan is-ixtiraam, iskaashi, iyo taageero is-dhaafsi, taas oo lagu arko mashaariicda horumarineed ee Turkigu ka wado Soomaaliya iyo taageerada uu siiyo shacabka Soomaaliyeed.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir saaxiibtinimo oo qoto dheer, iyada oo horraanta sanadkan ay labada dhinac qalinka ku duugeen heshiiska dhanka difaaca ah, kaas oo xukuumadda Ankara u ogolaanaya inay la wareegto difaaca biyaha Soomaaliya.

Labada dal ayaa sidoo kale dhawaan gaaray heshiis baaris shidaal ah, kaas oo dhigaya in Turkiga uu shidaal ka baari doono saddex aag oo ku yaalla gudaha biyaha Soomaaliya.



Source link