Muhaajiriinta Sharci la’aanta ugu noolaa Maraykanka oo loo sameeyay Ballanqaadyo ka farxiyay

Posted on




Maamulka Madaxweyne Joe Biden ayaa la sheegay inay ku dhawaaqi doonaan Qorshooyin mid ka mid ah barnaamijyada ugu ballaaran ee samafalka dhanka socdaalka ee soo-galootiga ku nool dalkaasi ee aan haysanin dukumentiyada.

Afar ilo-wareed oo la hadlay telefishinka CBS News ayaa sheegay inuu Madaxweyne Joe Biden qorshaynayo in sharci dhanka shaqada la siinayo muhaajiriinta aan haysanin wax dukumenti ah ee ku noolaa Maraykanka muddo 10 sanno ah.

Qorshahaasi oo ay isku soo duwayaan saraakiiil ka tirsan Aqalka Cad ayaa waxa uu muhaajiriinta sharciga lahayn u fududeynayaa fasaxyada shaqooyinka iyo inaan la masaafurin doonin muhaajiriinta ay muwaadiniinta Maraykanka guursada, kuwaasi oo ugu yaraan 10 sano ku noolaa gudaha dalka Maraykanka.

Qorshaha hindisahaasi soo-jeedinta oo loogu magac daray “A Parole in Place” ayaa weli ah mid dhex wareegayo xafiisyada dowladda Maraykanka, sida laga soo xigtay ilo-wareedyo la hadlay Telefishinka CBS News.

Qorshahan waxa kale oo uu fududeyn doonaa dhabaha lagu heli karo sharciga joogtada ee deganaanshaha iyo muwaadinnimada dalka Maraykanka, iyadoo la laali doono caqabada sharciga Maraykanka ee soo-galootiga sharciga lahayn ka mamnuucayo inay kaararka cagaaran (Green Cards) helaan, iyagoo aan ka tegin Maraykanka.

 




Source link