Kismaayo (Wararka Maanta) – Qaar ka mid ah mucaaradka Jubaland ayaa ku hanjabay in ay qaban doonaan doorasho hal dhinac ah, kaddib markii ay ka hor yimaadeen guddiga doorashada Jubbaland.
Mucaaradka ayaa ku gacan sayray magacaabista madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe uu Sabtidii ku magacaabay guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka (IBEC) oo ka kooban 7 xubnood.
Waxay su’aal galiyeen kalsoonida uu guddigan ku maamuli karo doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka ee lagu wado inay dhacdo dabayaaqada 2024-ka.
Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu kala tashaday madaxweyne ku xigeenada Jubaland magacaabista guddigan oo ka kooban 7 xubnood.
Cabdullaahi Cali oo ah musharax u taagan xilka madaxtinimo ee Jubbaland, horeyna qaxooti uga soo noqday dalka Kenya ayaa sheegay in madaxweynaha uusan awood u laheyn inuu soo magacaabo mas’uuliyiinta guddiga doorashada..
“Habka lagu soo xulayo guddigan doorashada gabi ahaanba waa hal dhinac, iyadoo aan la tixgalin baahida loo qabo wada tashi ballaaran iyo daah-furnaan, mucaaradku waa inay xaq u leeyihiin inay soo magacaabaan in ka badan 50 boqolkiiba xubnaha guddiga doorashada si loo helo matalaad isku dheeli tiran,” ayuu yiri Cabdullaahi Cali.
Waxa uu sheegay in habka uu u dhaqmayo Madoobe ay meesha ka saartay kalsoonidii lagu qabay hannaankan.
Si kastaba ha ahaatee, baarlamaanka Jubaland ayaa meel mariyay guddigan la magacaabay, kuwaas oo shalay iska dhex doortay guddoo hoggaamiya.
Isha: HOL