Mucaaradka cusub ee dalka ka curtay oo dalbaday in Sheekh Rusheeye la geeyo BF + Sababta

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Fasax kadib soo noqoshadii xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay kalfadhigoodii 5-aad wuxuu ku furmay dood, ayada oo xubno kamid ah golaha ay ku dhawaaqeen inay yihiin mucaarad bannaanka taagan.

Xildhibaannadaas oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa dhaliil xoogan u jeediyay xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza, waxayna ku eedeeyeen wax-qabad la’aan, ayaga oo wacad ku maray inay hadda kadib u istaagayaan isla xisaabtan dhab ah.

Cabdiraxmaan Cabdow oo kamid ah xubnahaasi ayaa faah-faahiyay qorshahooda, wuxuuna sheegay in maanta kadib uu dalka ku curtay mucaarad cusub, sida uu hadalka u dhigay.

“Xildhibaanada gadaasheyda taagan iyo anigaba mucaarad cadeystay ayaa nahay marka shacabka Soomaaliyeed maanta laga bilaabo mucaarad ayaa idin curtay” ayuu yiri xildhibaan Cabdoow.

Sidoo kale waxa uu dood ka keenay shaqada baarlamaanka, isaga oo sheegay in shaki ay ka qabaan, sida ay u socdaan howlaha baarlamaanka, ayna dalbanayaan in la geeyo Sheekh Rusheeye, si buu yiri loo soo celiyo ‘maanka xildhibaannada oo maqan’.

“Waxaan kale oo rabaa in guddoomiyaha baarlamaanka aan halkan farriin uga diro guddoomiyow shaki badan ayaa na haayo baarlamaankan waa ka shakisanahay, maxaa yeelay waxyaabaha halkan la mariyay wax macquul ma’ahan maskaxdeyda qaar waa diidan tahay waxaan rabnaa marka baarlamaanka la imaanaayo in Sheekh Rusheeye aan keeno baarlamaanka lana rusheeyo xildhibaanada la rusheeyo say iyaga usoo noqdaan barkey waa maqan yihiin ” ayuu mar kale yiri xildhibaanki.

Waxaa kale oo uu yiri “Shacabka Soomaaliyeed khayr iyo barwaaqo ayaa idin rajeyneynaa noo soo duceeya xaqiina ayaan u taaganahay duco kaliya ayaa idinka rabnaa”.

Arrimahaan waxa ay kusoo aadayaan, ayada oo haatan ay taagan tahay xiisadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska badda, taas oo ay horay ula daala dhaceysay dowladda federaalka, waxaana hadda ugu darsoomay kicinta xildhibaannada.



Source link