Milateriga Israel ee ka dagaalamaya Gaza oo iska dilay askar badan

Posted on




Israel ayaa Khamiista maanta ah sheegtay in shan ka mid ah askarteeda ay ku dhinteen rasaas ay fureen taankiyada ciidanka ka dagaalamaya Gaza.

Militariga Israel ayaa sheegay in shanta askari ay dhinteen Arbacadii kadib markii laba taanki ay si khalad ah u duqeeyeen dhisme ay askarta ku sugnaayeen, intii lagu guda jiray isku dhac ka socday xerada qaxootiga Jabaliya ee waqooyi.

“Shan askari oo ka tirsan guutada 202-aad ayaa xalay lagu dilay dhacdo khasaare xoogan gaystay oo ka dhalatay rasaas ay fureen ciidamadeenna,” ayuu yiri milateriga oo intaas ku daray inay kaga dhaawacmeen toddoba askari oo kale.

Dagaal culus ayaa mar kale dib uga qarxay waqooyiga ka dib digniino ciidan oo ku saabsan “isku day ay Xamaas ku doonaysay in ay dib ugu dhisto awooddeeda ciidan” bilo ka dib markii Israel ay ku dhawaaqday in la burburiyay dhismooyinkii talisyada kooxda.

Weriyeyaasha AFP, goobjoogayaal iyo dhakhaatiir caafimaad ayaa Khamiistii sheegay in diyaaradaha dagaalka Israel ay mar kale beegsadeen goobo ku yaalla Gaza xalay, oo ay ku jiraan magaalada Gaza iyo aagga koonfureed ee Zeytuun, Jabaliya iyo xerada qaxootiga ee Nuseyrat.




Source link