Milatariga Soomaaliya oo gacanta ku dhigay shidaal loo waday Al Shabaab (Sawirro)

Posted on




Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya , gaar ahaan kuwa kumaandooska ee Danab iyo Gorgor ayaa gacanta ku dhigay shidaal la sheegay in loo waday kooxda Al Shabaab ee ku sugan deegaanno katirsan gobolka Mudug .

Howlgal ay ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ka sameeyeen duleedka degmada Xarardheere ayey ciidamada ku qabteen 150 jirgan oo shidaal ah, waxaana shidaalkan la sheegay in halkaasi ka dejisay doon si qarsoodi ah loo soo saaray.

Ciidanka dowladda ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay labo nin oo lagu eedeeyay in ay wadeen shidaalkan looga shakisan yahay in loo waday kooxda Al Shabaab ee dagaalka kula jirta ciidanka dowladda.

Kooxda Al Shabaab ayaana hub , shidaal iyo saanado kalaba kala degta dhulka xeebta ee kuyaalla xadka ay wadaagaan degmooyinka Xarradheere iyo Ceeldheer ee ka kala tirsan gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Dowladda Soomaaliya ayaa go’doomisay degmooyinka iyo deegaannada ay ka taliyaan kooxda Al Shabaab, waxa ayna dowladda mamnuucday in Al Shabaab loo geeyo shidaal, daawo iyo saanadaha kale ay u baahan yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com




Source link