Midowga Yurub oo u gefay Somalia, kuna tilmaamay Muqdisho meel dadkeedu quusteen

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Madaxweyne Kuxigeenka Midowga Yurub ahna Madaxa Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga Josep Borrell oo maalmo ka hor booqasho ku tegay xaduuda Rafax ee dhanka Masar ee dhulka Falastiin oo dagaal culus uu klu dhaxmarayo Israa’iil iyo Xamaas ayaa u gefay Soomaaliya, xilli uu ka hadlayey xaaladda ka jirta Rafax.

Borrell oo hoggaaminayey wafdi reer Yurub ah oo booqday daanta Rafax ee dhanka Masar ayaa sheegay in waxa ka dhacaya Qasa ay yihiin Masiibo lamid ah tan ka jirta Muqdisho, wuxuu hadalkiisa ku sii miijiyey in Muqdisho daran tahay.

Madaxa xafiiska siyaasadda, ahna Madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub ayaa isagoo warbaahinta la hadlayey, kuna sugan marinka dhanka Masar ee Rafax oo duqeymo culus ay ka wadaan ciidamada Israa’iil ayaa ku halqabsaday, tusaalena u soo qaatay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

“Waa inaan iska ilaalinaa in Qasa aysan noqon Muqdishada cusub, Muqdishada ku taalla Mediterranean-ka, ama Haiti-da cusub, dhul uusan sharci iyo kala dambayn ka jirin oo ay ka jiraan gaangis iyo qalalaase dadku quusteen.” ayuu yiri Borrel.

Ninkaan ayaa hadalkiisa ku muujiyey in Muqdisho tahay meel laga quustay, isagoo la meel dhigaya Falastiin oo muddo qarni ku dhow ay dagaallo ka socdaan, dadkana lagu laayo oo dunidu indhaha ka fiirsato shacab muslimiin ah oo ciidamada maamulka Yahuuda ay dhulkooda ku xasuuqayaan.

“Waxa ka dhacaya dhinaca kale ee gidaarkan ma aha qalalaase u abuurmay si dabiici ah, laakiin waa dhibaato bini’aadam abuuray, ma dooneyno in Rafax noqoto Muqdisho oo kale,” ayuu yiri hoggaamiye ku xigeenka dalalka reer Yurub.

Maalmo ka hor markii ninkaan uu hadalkaan yiri ayey madaxtooyada Soomaaliya shaacisay in khadka teleefoonka ay ku wada hadleen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

“Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefoonka kula hadlay madaxa arrimaha Siyaasadda Midowga Yurub Mudane Josep Borrell ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya

Madaxweynaha ayaa xiligaas Midowga Yurub uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee amniga Soomaaliya iyo dadaallada wadajirka ah ee lagula ciribtirayo argagixisada, waxayna adkeeyaan ilaalinta xasilloonida iyo nabadgelyada gobolka.

Ninkan ayaa sidoo kale sanadkii 2022-kii booqasho kedis ah ku yimid magaalada Muqdisho, isagoo kulamo la qaatay madaxda dowladda Soomaaliya oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ugu horeeyo.

“Waxaan qiray dadaallada hoggaanka cusub ee horumarinta dowlad-dhisidda, iyadoo lala kaashanayo dowladaha xubnaha ka ah federaalka iyo horumarinta dadaallada dib-u-habeynta dhaqaalaha,” ayuu xiligaas yiri Josep Borrell oo 2022 soo booqday Muqdisho.

 



Source link