Maxkamadda Sare oo bilowday dhageysiga kiiskaa ninkii gubay xaaskiisa

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Maxkamadda Sare ee dalka ayaa maanta si toos ah u guda gashay kiiska ninkii gubay xaaskiisa Sayid Cali Macallin Daa’uud, kaas oo ay horay usoo xukumeen maxkamadda darajada koowaad iyo tan racfaanka ee gobolka Banaadir.

Maxkamadda sare ayaa goordhow gudaha gashay kiiskan, ayada oo fadhigaan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo ay maxkamaddu ka yeelaneyso kiisa Sayid Cali.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa fadhiya hoolka, waxaana sidoo kale goobjoog ah xeer ilaalinta iyo qareennada difaacaya eedeysanaha.

Sidoo kale waxaa maxkamadda ku sugan ehellada labada dhinac, waxaana ku jira Aabe Cabdicasiis Maxamed oo muddo dheer sugayay cadaaladda gabadhiisa Luul.

Aabe Cabdicasiis oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo in kiiska uu soo dhammaado isla markaana uu helo cadaalad.

Kiiska Sayid Cali Macallin Daa’uud ayaa qaatay muddo dheer, wuxuuna soo maray heerar kala duwan, wuxuuna maanta joogaa heerkii ugu dambeeyay ayada oo laga war dhowrayo go’aanka Maxkamadda Sare oo noqon doono kan ugu dambeeyay.

Sayid Cali waxay horay loogu helay inuu gubay xaaskiisii oo uur lahayd dhacdadaas oo ka dhacay degmada Dharkenley, waxaana aad uga xumaaday dadka Soomaaliyeed.



Source link