Maxkamadda gobolka oo raadineysa haweenay labaad oo loo haysto dambi culus

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa baafineysa haweenaydii labaad oo muddo 24 saac gudahood, taasi oo loo haysto kiis xasaasi ah.

Haweenaydan oo lagu magacaabo Caasho Macallin Mursal Cali ayey xeer ilaalinta kusoo eedeysay dambiyo culus oo qeyb ka yihiin lacag dhaqid iyo maalgalinta argagixisada, xilli uu dalka ku jiro dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

“Maxkamaddu waxay baafineysaa kuna wargalinaysaa eedeysane Caasho Macallin Mursal oo ay dacwad ciqaab ah oo uu dhinac ka yahay ka furan tahay maxkamadda gobolka, uuna kusoo eedeeyay xafiiska xeer ilaaliyaha guud sharciga ka hortagga lacag dhaqista iyo maalgelinta argagixisada.”

Caasho ayaa sidoo kale waxaa eedeymaha loo haysto kamid ah “dambi kamid noqosho urur hubaysan oo kasoo horjeeda qarannimada Soomaaliya,” waxaana loo qabtay in muddo soddan maalmood gudahooda ah ay ku hortimaado maxkamadda gobolka.

“Maxkamadda gobolka Banaadir muddo (30) maalmood gudahood ayey fareysaa inay ku hor imaato oo ku eg 07/09/2024 oo ah maalinta Sabti ah, saacaduna tahay: (10:00Am) Subaxnimo, si ay iskaga difaacdo eedda uu kusoo eedeeyay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.”

Maxkamadda ayaa sidoo kale waxay ku goodisay in ay qaadi doonto dacwada Caasho ayada oo maqane ah haddii ay maxkamadda ku hor imaan weyso mudadda loo qabtay.

Waa baafintii labaad oo muddo 24 saac gudahood kasoo baxda xafiiska guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir, ayada oo horey baafin u saartay haweenay lagu magacaabo Nadiifo Xasan Cabdiqaadir, oo iyadna loo haysto kiis lamid ah kan Caasho.

Xeer ilaalinta ayaa horey sidan oo kale maxkamadda ugu gudbisay shaqsiyaad ku eedeysan lacag dhaqid iyo maalgalinta argagixisada, xilli ay dowladda federaalka Soomaaliya dagaal dhowr jiho ah kula jirto kooxda Al-Shabaab.



Source link