Maxkamadda Ciidamada oo maanta xukun adag ku riday nin Al Shabaab xogo u gudbin jiray

Posted on

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun ku riday eedeysane Maxamuud Maxamed Macalim Maxamuud (Karaama) , kaa oo lagu helay in uu kamid ahaa Al Shabaab una qaabilsanaa aruurinta lacagaja baada ah ee laga shacabka.

Maxamuud oo ku dhashay degmadda Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha hoose, ayaa Al Sahbaab ku biiray dhammaadka sannadkii 2020-ka, waxaana ku tashkiiliyey nin lagu magacaabo Axmed Maxamed oo kooxdaasi ka tirsanaa, kaasi oo ay isku barteen magaaladda Hargeysa ee gobolka waqooyi galbeed Soomaaliya.

Ninkan ayaa argagixisada u aruurin jiray lacagaha baadda ah, isaggoo Al Shabaab u gudbin jiray xogta dukaamada cusub ee laga furo degmooyinka kala ah Xamar weyne, Xamar Jajab, Waabari, Hodan, Howlwadaag iyo Boondheere, si loo handado goobahaasi ganacsi, loogana qaado lacago baad ah.

Sidoo kale waxa uu Al Shabaab u gudbin jiray qiyaasta qiimaha hantida taalla goobta ganacsi ee xogteeda uu gudbinayo, numberka iyo dukaanka magaciisa, waxaana arrimahaan uu ka shaqeynayey muddo seddex sanno iyo lix bilood ah, isaggoo mushaar ahaan seddexdii biloowdba mar ay Al Shabaab siin jireen lacag dhan labo boqol oo dollar.

Ninkan katirsanaa kooxda Al Shabaab ayaa gacanta hay’addaha amniga waxa uu soo galay 29-kii January ee Sanadkaan 2024, waxaana baaris dheer kaddib xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida ka codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday 21-kii bishii May ee sannadkan 2024.

Garsoorka maxkamadda ciidamada qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Maxamuud Maxamed Macalim Maxamuud (Karaama) 8 Sanno oo xabsi ciidan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link