Maxay Somaliland ka tiri ciidamada ay Masar usoo direyso Soomaaliya?

Posted on

Qaahira (Wararka Maanta)  – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa weerar culus ku qaaday dowladda Masar, isaga oo ka horyimid ciidamada ay usoo direyso Soomaaliya.

Muuse Biixi ayaa sheegay in Masar ay waligeed kasoo horjeeday qaranimada Somaliland, isaga oo su’aal ka keenay sababta ay ciidamo ugu soo direyso Soomaaliya, uguna gurman waysay walaalaha reer Falasteen ee la gumaadayo.

“Masar la dagaalanka Somaliland inay qaran noqoto ee haddane u dagaalameyso inay Xamar kamid noqoto ee ciidanka usoo direyso horta waxaa uga baahan Rafax inay furto oo deeqda caalamka siinayo walaalaha Falastiin oo aad aragteen waxa ku dhacay ee 40 kun lagu dilay” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Somaliland.

Sidoo kale wuxuu is barbar dhig ku sameeyay Masar iyo Turkiga oo labaduba haatan saaxibo la ah Soomaaliya, isla markaana ka caawiya dhinaca ammaanka.

Madaxweyne Biixi ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamo ay soo dirtay Masar aanay horumar gaarsiin doonin Soomaaliya, wuxuuna tusaale usoo qaatay dalka Yemen oo uu sheegay in Masar ay ciidamo u dirtay xilligii gumeystaha, illaa maantana ay dhibaato ka jirto.

“Waxaan kaloo caddeynayaa dowladda Masar oo dowlad wayn ah in iyada Turkiga ay isku dhaqan yihiin meelo badan waa wada Islaam waa dowlado qaabkooda dhismahooda u baahan yahay inuu wax badan hagaago, haddana Masar inta la hubo meel ay ciidan u dirtay oo tiri waan gargaarayaa waxa ugu horreeyay uguna dambeeyay dalka la yiraah Yemen Mushkiladdii uu ku abuuray lixdankii illaa maanta waa ka taagan tahay Yeman” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Madaxweynaha Somaliland ayaa ugu dambeyn ka digay ciidamada Masar ee Muqdisho la keenayo, wuxuuna sheegay inay dhibaato horleh ka abuuri doonaan.

“Waxaan leenahay ciidanka Masaarida ee la geynaayo Xamar dabka uu ka shidi doono iga qora waa la arki doonaa hee” ayuu mar kale yiri madaxweyne Biixi.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo todobaadkii ay heshiis difaac kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Masar, sidoo kalena labada dal ay isku raaceen in Masar ay ciidamo usoo dirto Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka noqonaya howlgalka cusub ee bedalaya ATMIS.



Source link