Maxay ka wada hadleen Wasiir Fartaag iyo wakiilka QM ee Somalia? (Sawirro)

Posted on




Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta la kulmay Wakiilka KMG ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Labada dhinac ayaa kulankooda uga hadlay xoojinta taageerada QM ee Hay’adaha amniga dalka iyo bixitaanka Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS oo la qorshaynayo dhammaadka sanadkaan.

Wasiirka iyo Wakiilka, ayaa si gaar ah kulankooda diirrada ugu saaray muhiimadda ay leedahay in kor loo qaado taageerada Qaramada Midoobay ee ku aaddan dhinacyada amniga Muqdisho, Barnaamijka Booliiska Wadajirka ah (JPP) iyo guud ahaan amniga Soomaaliya.

Wakiilka KMG ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa ku amaanay laamaha amaanka dalka dadaalka ay ugu jiraan xoojinta sugida amniga dalka, wuxuuna balanqaaday in QM ay xoojineyso taageerada ay siiso laamaha amaanka.




Source link