Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xassan Shiikh iyo Hakan Fidan? (Sawirro)

Posted on




Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan dalka Turkiga ayaa magaalada Ankara kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan.

Madaxweynaha iyo Wasiirka ayaa ka wada hadlay arrimaha quseeya iskaashiga labada dal iyo dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo xasilloonida gobolka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo ku jooga dalka Turkiga ayaa shalay salaadda Ciidda Carafo kula tukaday Masjid ku yaala magaalada Ankara Madaxweyne ku xigeenka dalkaasi mudane Cevdet Yılmaz iyo qaar ka mid ah bulshada muslimiinta ah ee ku nool dalka Turkiga.

Turkiga ayaa dhowrkii iyo tobankii sano ee la soo dhaafay ahaa saaxiibka ugu weyn Dowlada Somalia, isagoo ka taageerayey arrimaha amniga, dib u dhiska ciidamada, dhaqaalaha iyo mashaariicda horumarinta.




Source link