Maxay ka dhigan yihiin go’aannada kasoo baxay golaha amniga ee hubkii la boobay?

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Golaha amniga qaranka oo shalay yeeshay kulan aan caadi ahayn oo uu shir-guddoomiyay madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo looga hadlay hubka sharci-darro ee lagu bililiqeystay gudaha Galmudug.

Golaha amniga ayaa shirka kadib adkeeyay kormeerka hubka iyo rasaasta, mamnuucidda iibinta iyo ka ganacsiga hubka, soo gudbinta warbixin faah-faahsan oo ku saabsan hubka sharci darrada ah iyo in si deg-deg ah maxkamad loo soo taago dadka ku lugta leh hawshan sharci darrada ah.

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa adkeeyay muhiimada hirgelinta shuruucda xakameynta hubka iyo rasaasta, ayada oo kulankaas ay ka soo qeyb-galeen mas’uuliyiin sare oo dowladda ka tirsan.

Go’aannada kasoo baxay golaha amniga qaran ayaa ka dhigan in dowladdu doonaysay in caalamka loo muujiyo in dowladu howl-galo wado, wixii dhaceyna ay ka xun tahay, sida uu sheegay Axmed Cabdilaahi Kaboole, oo ka faallooda arrimaha ammaanka.

“Maadaamada xayiraadii hubka laga qaaday Soomaaliyada, waxay rabaan inay tusaan in dowladdu la timi aragti ah in la xakeeyo hubka, haddana ay baaritaan ay ku wadaaan” ayuu yiri Kaboole oo la hadlay BBC.

Waxa uu intaas kusii daray “Dabcan, horrey in loo sameeyo ayey runtii ahayd ee an lala sugin dhacdadan.”

Kaboole ayaa sheegay in awaamiirta dowladda ay hadda soo saartay aysan ku filnayn jawaabta wixii ka dhacay Caabudwaaq, xilli laga deyrinayo hubka gacanta u galay shacabka oo ah xadi aad u badan.

“Waxaan is leeyahay khaladaad badan ayaa dhacay, laakin in wax laga barto oo mustaqbalka waxan oo kale dhicin iyo in wixii dhacayna warbixin saxa lala yimaado” ayuu yiri Axmed Kaboole.

Si kastaba, dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug ayaa hadda wada qorshayaal ku aadan sidii lagu soo celin lahaa hubkii lagu bililiqeystay waqooyiga gobolka Galgaduud kaas oo dhaawac weyn ku noqday hanaankii qaadista cuna-qabataynta.



Source link