Asmara (Wararka Maanta) – Heshiis iskaashi oo dhinaca amniga ah oo dhex maray Eritrea, Masar iyo Soomaaliya ayaa si la yaab leh u beddelay isbahaysigii gobolka Geeska Afrika, isaga oo sii cidleeyey Itoobiya, lagana yaabo in uu sare u qaado halista dagaal, sida ay qabaan fallan-qeeyayaasha.
Saddexda dal ayaa shir-madaxeed lama filaan ah ku yeeshay magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea Khamiistii, kaasi oo uu ku baaqay hoggaamiyaha kali-taliska ah ee dalkaas Isaias Afwerki.
Waxay ku dhawaaqeen dhismaha guddi saddex geesood ah oo ka shaqeeya “iskaashiga istaraatiijiyadeed,” waxayna isku raaceen in la isku duwo dadaallada ku saabsan amniga gobolka.
“Dadka indha-indheeya way ku adkaan doontaa inay u arkaan heshiiska cusub ee iskaashiga amniga inuu yahay wax aan ahayn isbahaysi ka dhan ah Itoobiya,” ayuu yiri Andrew Smith, oo ah falanqeeye sare oo Afrika u qaabilsan shirkadda istaraatiijiyadda amni ee Verisk Maplecroft.
Maxaa keenay heshiiska?
Masar ayaa in muddo ah waxay Itoobiya isku hayeen biyo xireenka Dib u curashada weyn ee (GERD), oo ah mashruuc koronto-dhallin oo Addis-Ababa ay ka sameysay wabiga Niilka Buluuga ah.
Addis Ababa ayaa sheegtay in biyo-xireenku uu muhiim u yahay inuu koronto siiyo 120 milyan oo qof, laakiin Qaahira ayaa u aragta inuu halis ku yahay jiriteenka maadaama boqolkiiba 97 ay ku tiirsan tahay biyaha Niil.
Xiriirka Itoobiya iyo Eritrea ayaa xumaa tan iyo bishii November 2022-kii kadib heshiiskii nabadeed ee lagu soo afjaray dagaalkii labada sano ka socday Tigray, inkasta oo Asmara ay u dirtay ciidamo si ay u taageeraan ciidamada dowladda Itoobiya ee dagaalka ku jiray.
Eritrea oo ciidamadeeda lagu eedeeyay tacadiyo baahsan intii uu dagaalku socday, ayaan qayb ka ahayn heshiiskii Addis Ababa iyo nacabkii Asmara ee Jabhadda Xoraynta Shacabka Tigray ee TPLF.
Waxaa sii dheer oo xaaladda hubanti la’aan ku sii daraya khilaafka u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya ee la xiriira heshiiskii badda ee Addis Ababa ay bishii Janaayo la gashay maamulka gooni-goosadka ah ee Somaliland.
“Taariikh ayaa dib uga qormeysa ayada oo Geeska Afrika uu mar kale u qaybsamayo aag iska soo horjeeda, oo ay ku jiraan taageerayaal kala duwan oo dibadda ah,” ayuu yiri Omar Mahmood, oo ah falanqeeye sare oo Bariga Afrika u qaabilsan kooxda xasaradaha caalamiga ah, International Crisis Group.
Smith ayaa ku tilmaamay heshiiska Asmara “mid la filayey, balse isbeddel lama filaan ku ah xiriirka gobolka.”
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhowrkii sano ee ugu horreysay ee xafiiska uu ku sugnaa waxaa astaan u ahaa hagaajinta xiriirka Itoobiya ee Eritrea iyo Soomaaliya, wuxuuna yiri, “marka in (Soomaaliya) ay Addis ku beddelato Qaahira oo loolanka ugu weyn uu kala dhaxeeyo Itoobiya waa arrin dib u laabasho ah”.
Ma laga yaabaa in dagaal gobolka ah uu xigo?
“Heshiiskani wuxuu isku dayayaa inuu albaabka ka xiro hamiga badda ee Itoobiya,” ayuu yiri Smith.
Is-afgaradka Itoobiya iyo Somaliland waxa uu dhigayaa in dalka labaad ee Afrika ugu dadka badan uu helo marin badeed oo ay muddo badan ku taamayeen, iyada oo Somaliland ay ka kiraysay dhul xeebeed deked iyo saldhig ciidan ay ka dhigato.
Muqdisho, oo diiday ku dhawaaqistii gooni-isu-taagga Somaliland ee 1991-kii, ayaa heshiiskaas ku tilmaantay weerar cad oo ka dhan ah madax-bannaanideeda — xitaa waxay Addis Ababa ku eedaysay inay isku dayday inay qayb ka mid ah dhulkeeda ku darsato.
“Inkasta oo heshiisku yahay bandhig gobol, haddana ma cadda halka ay Itoobiya kaga dhaqaaqi doonto halkan marka ay noqoto doonisteeda badda iyada oo aan nooc un dagaal la gelin dalalka ay deriska yihiin ee Soomaaliya iyo Eritrea,” ayuu yiri Smith.
Waxaa fikirkaas oo kale la qaba Oma Mahmoud oo ka tirsan ICG. “Tani waa bandhig diblomaasiyadeed, halkii ay ka ahaan lahayd iska horimaad milatari,” ayuu yiri.
“Laakiin tuhunada waa sarreeyaan, xiriirkuna waa hooseeyaa. Tani waxay kor u qaadaysaa khatarta ah in ay kororto suurta-galnimada nooc iska hor-imaad, haddii loo ogolaado inuu sii xumaado oo ka sii daro.”
Waa maxay fal-celinta Itoobiya?
Addis Ababa afka ayey ka xiratay heshiiska Asmara, iyadoo codsi ay AFP u dirtay afhayeennada dowladda si ay faallo uga bixiyaan aan laga jawaabin.
“Isbahaysiga cusub wuu ka xanaajin doonaa Itoobiya laakiin kama yaabin doono,” ayuu yiri Smith.
Shir jaraa’id oo uu qabtay Khamiistii, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, Nebiat Getachew ayaa ku tilmaamay xiriirka Addis-Ababa iyo Asmara mid nabad ah, wuxuuna sheegay inay ku naaloonayaan “deris wanaag iyo saaxiibtinimo wanaagsan”.
Abiy ayaa ku guuleystay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize 2019 ka dib markii uu billaabay xiriir lama filaan ah oo uu la yeeshay Eritrea ka dib is-mari waa socday in ka badan 20 sano.
Waxa uu bishii hore ka digay in Itoobiya “ay bahdili doonto cid kasta oo ku dhiirata inay noo hanjabto”, iyadoo uusan magacaabin dalal.
Itoobiya waxa ay sidoo kale ku eedeysay Jilayaal aan la magacaabin inay doonayaan inay “qalqal galiyaan xasiloonida gobolka” ka dib markii Masar ay saanad milatari u dirtay Soomaaliya ka dib markii ay saxiixdeen heshiis iskaashi militari.
Cawaaqibyo kale
Smith waxa uu sheegay in heshiiska Asmara uu “hubanti la’aan hor leh” ku tuurayo mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee Soomaaliya.
Ciidamada nabad ilaalinta ee hadda oo loo yaqaan ATMIS ayaa lagu wadaa in dhammaadka sanadkan la soo geba-gebeeyo, laguna badalo howlgalka dib u habeyn lagu sameeyay oo lagu magacaabo AUSSOM, kaas oo ay Qaahira ku yaboohday in ciidamo ku darto.
“Suurta-galnimada daabulaadda ciidamada Masar, iyo ciidamada Eritrea, waxay la macno tahay in ay sii kordheyso suurta-galnimada in Soomaaliya ay riixdo bixitaanka Itoobiya dhammaadka sanadka, laakiin in ay dhab ahaantii bixi doonaan ayaa ah su’aal muhiim ah,” ayuu yiri Smith.
Omar Mahmood ayaa sheegay in heshiiskan uu sidoo kale adkeynayo dadaallada uu Turkigu ku doonayo in uu ku dhex-dhexaadiyo khilaafka Itoobiya iyo Soomaaliya.
“Muqdisho, tallaabada waxay u badan tahay in looga gol leeyahay in lagu xoojiyo mowqifkooda si ay u beddelaan xisaabaadka Addis ee ku aaddan Is-afgaradka [Somaliland],” ayuu yiri.
“Dhanka Addis, waxa yeelan kartaa saameyn caksi ah, oo ah in ay cirbaha ku sii adkeysato dhulka, ayada oo ay noqoneyso mid ay ku hareereysan yihiin dalal u midoobay in ay mucaaraadaan hamiyadeeda gobolka.”