Maxaa kasoo baxay shirka DF iyo dowlad goboleedyada ee Jowhar? + Sawirro

Posted on

Jowhar (Wararka Maanta) – Magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle waxaa ka qabsoomay shir u dhexeeyay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, kaas oo isugu yimaadeen wasiirka dowladda dhexe iyo wasiirada beeraha maamullada dalka.

Shrka ayaa waxaa guddoomyay madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), waxaana lagu gorfeynayay Tacbashada Beeraha iyo Isbeddelka Cimilada.

Cali Guudlaawe oo madasha khudbad ka jeediyay ayaa soo jeediyay in xal loo helo caqabadaha ay wajahaan beeraleyda Soomaaliyeed oo ay ugu horreyso fatahaadaha.

“Waa in xal-waaro loo helo fatahaada webiga si uu u badbaado wax-soo-saarka Beeraleyda. Waxaan rajeynayaa dhammaan arrimahan inuu meesha ka saaro mashruuca Sabbuun.” Madaxweyne Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Sidoo kale inta oo socday shirka ayaa waxaa looga hadlay xal u helida fatahaaddaha soo laa laabtay Webiga Shabeelle, ka hortaga cayayaank, iyo in sare loo qaado iibgeynta dalagyada ka baxo dalka.

Wasiirka Beeraha Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka warbixiyay safarkiisa Jowhar wuxuuna yiri “Anigoo weli wada socdaalkii xoojinta Tacbashada Beeraha iyo la qabsiga Isbedelka Cimilada waxaan galabta tegay Jowhar, Xarunta Dawlad Goboleedka Hirshabele, Magaalo ku suntay dib-u-dhiska Dawladnimada Soomaaliya”

Dhankiisa Wasiirka Wasaaradda Beeraha HirShabeelle ayaa ka hadlay caqabadaha ay wajahaan Beeraleeyda gobolka Shabeelaha Dhexe, oo la daala dhacaya xaalado adag.

Gabagabadii wasiirada beeraha ee isugu tegay Jowhar ayaa la kulmay iskaashatooyinka beeraleyda gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay ka dhageysteen cabashooyinkooda ku aadan wax soo saarka beeraha, maadaama u jiro gaabis xagga tacbashada ah.



Source link