Maxaa kala qabsaday wasiir Faarax Cabdulqaadir iyo Xildhibaannada BF?

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Wasiirka wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa maanta hortegay guddiga horumarinta adeegga arrimaha bulshada ee baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo la yeeshay isla xisaabtan adag.

Wasiirka ayaa waxaa su’aallo adag laga waydiiyay arrimaha waxbarashada dalka iyo imtixaanaadka qaran ee ay qaado dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale wasiirka ayaa wax laga waydiiyay arrinta Puntland oo iyadu siyaasad ahaan ay kala tageen federaalka, isla markaana ay saameysay wada shaqeyntii labada dhinac.

Mid kamid ah xildhibaannada ayaa waydiiyay wasiirka “Waay arrimaha siyaasadeed oo aan weli dhamaan arday Soomaaliyeed fursaddiisa waxbarasho ugu waayayaa?”.

Wasiir Faarax ayaa ku jawaabay “Arrinta ku saabsan shahaadada la siiyo ardayda Puntland iyo Somaliland waxay lamid yihiin ardayda kale ee jooga qaybaha kale ee dalka, laakiin waxaa caqabad ku ah mas’uuliyiinta maamulladaas oo hortaagan”.

Waxaa kale oo uu dalbaday in fursad loo siiyo wasaaradda waxbarashada inay xafiisyo ka furatoGaroowe iyo Hargeysa, si ay shahaadada halkaas uga qaataan ardayda jooga.

“Waxaan jeclaan lahayn in fursad naloo siiyo in xafiiska wasaarada waxbarashada Garoowe ku yaalla ama Hargeysa ku yaalla la ogolaado in laga bixiyo shahaadada waxbarashada ee dowladda federaalka si aana ardayda ugu dhibaatoonin inuu halkan kasoo doonto” ayuu mar kale yiri wasiirka waxbarashada xukuumadda Soomaaliya.

Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sidoo kale Puntland iyo Somaliland ku eedeeyay in ay culeysyo fara badan saaraan ardayda, ayna ka qaadaan lacago aan laga qaadin ardayda kale ee Soomaaliyeed.

“Nasiib darro dadka mas’uuliyiinta ka ah meeshaas ayaa hor istaagay, intaas waxaa sii dheer iyaga shahaadooyin ayay siiyaan ardayday imtixaanka ayay lacag ka qaadaan oo aan laga qaadin ardayda kale ee gobollada kale jooga, shahaadada ayay lacag ka qaadaan oo aan la qaadin, markaas ayaa laga yaabaa inuu ardayga usii baahdo tii federaalka inuu sii qaato, waxaas oo dhan waxaan aaminsanahay in culeys aanu ka qaadi lahayn ardaygaas maskiinka ah inay tahay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Hoose ka daawo:-



Source link