Maxaa kala qabsaday Aadan Madoobe iyo Xildhibaan Cabdisamad maanta?

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, kaas oo uu guddoomiyey Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa hareeyay dood xoogan iyo buuq, kadib markii ay is qabteen guddoomiyaha iyo xildhibaan Cabdisamad Macallin Maxamuud.

Xildhibaanka iyo guddoomiye Aadan Madoobe ayaa waxaa dhex-maray dood culus oo ka dhalatay markii uu Cabdisamad dood ka keenay kooramka baarlamaanka, intaas kadib guddoomiyaha ayaa amray in makarafoonka laga xiro, balse xildhibaanka ayaa diiday.

“Cabdisamad fariiso aniga kuuma fasixin makarafoonka waa fadhiisaneysaa” ayuu ku amray guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Xildhibaan Cabdisamad ayaa iska diiday amarka guddoomiyaha, wuxuuna ku jawaabay  “Adiga makarafoon ayaa kuu furan anigana makarafoon ayaa ii furan, mana fariisanaayo waa inaan u sinaanaa xeer hoosaadka”.

Sheekh Aadan Madoobe oo mar kale hadalka qaatay ayaa ku laabtay xeer hoosaadka, wuxuuna sheegay inuu dhigayo in kulanka baarlamaanka uu ku furmi karo laba kooram oo kala ah 139 xildhibaan iyo mar kale oo uu ku furmi karo 184 Mudane, markaas uu jiro qodob xasaasi ah, sida arrinta madaxweynaha, ras’iisul wasaaraha ama dastuurka.

“Kooramka waxaa loo rabaa in baarlamaanka wax cusub uu anisixi karo walaalkey Cabdisamad haddii u dhibaayo socodka BFS ha sheego ” ayuu yiri Aadan Madoobe.

Ugu dambeyntii buuqa ayaa waxaa soo farogeliyay xildhibaannada kale oo guddoomiyaha ku raacay go’aankiisa, kadibna waxaa lasii waday doodda.




Source link