Maxaa ka jira in Xasan Sheekh ku abaal-dhacay raggii soo dhisay?

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) –Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku jira sanadihii ugu dambeeyey ee xukunkiisa ayaa wajahaya jaha wareer siyaasadeed oo saameysay saaxiibadiis, waxaana ku wareersan raggii soo dhisay oo maanta banaanka ka jooga nidaamkii ay dhismihiisa juhdiga badan ku bixiyeen.

Siyaasadda uu hadda ku shaqeeyo Xasan Sheekh wax badan ayey ka bedelan tahay tii ay saaxiibadiis ku yaqaaneen, sida ay ogaatay Wararka Maanta, rag xoog iyo xoolo ku bixiyey sidii Xasan Sheekh uu u qaban lahaa xukunka ayaa hadda qaba tabasho iyo gacan bidixeyn.

Xasan ayaa aruursaday rag badan oo aan kaalin ku laheyn dhismihiisa, isagoo banaanka dhigay, dhegahana ka fureystay kuwii mudnaa inay agtiisa ka helaan mansab iyo maqaam siyaasadeed.

Xubnaha qaar ee xisbigiisa waxaa ka xayiran mashaariic, qaarbaa waayey xilalkii loo dhiibay, qaarkood waxay weli sugayaan in xil loo dhiibo, qaar waxaa u socon waayey talooyin ay Xasan ula yimaadeen, halka iyagoo xil haaya awoodooda hoos loo dhigay.

Siyaasiyiinta cabashada ka qaba xukunka Xasan ee saaxiibadiis ah waxay sheegaan in madaxweynuhu fursad kasta siiyo xigtadiisa, isagoo dhegaha ka fureystay qorshayaasha siyaasadeed ee saaxiibadii soo dhistay, taasi oo ragga qaar ku abuurtay niyad jab iyo in qof dambe aysan dhisin.

Ragga qaar hadii aan magacyadooda xusno, Saabir Shuure wuxuu ku jiray xubnihii dhaqaalaha badan ku bixiyey in Xasan Sheekh la dhiso, waxaana la sheegay in sidii uu rabay aysan waxaba u noqon oo mashaariic badan ay ka xayiran tahay.

Mahad Salaad oo hadda raba xilka Madaxweynaha Galmudug, waxaa diiday oo ka saftay saaxiibadiis oo dalbaday in laga qaado NISA, cadaadiskaas ayaa ugu dambeyntii sababay in Mahad oo aan ku qanacsaneyn laga diro NISA.

Cabdiraxman Odawaa, weli waa banaan-joog wax xil ah kama helin xukuumadda Xasan Sheekh, waxaana ka fursado batay rag banaanka ka joogay halgankii loo galay in odaga la dhiso.

Axmed Macalin Fiqi, inkastoo loo dhiibay wasaaradda arrimaha dibadda, hadana waxaa la daba dhigay oo la sheegay inuu caqabad ka dareemayo wasiiru dowlaha wasaaradaas Cali Balcad oo xigto ay yihiin madaxweynaha.

Inkastoo ragaan xisaab ahaan ay yihiin hal dhinac, hadana waxaa la sheegay in Xasan Sheekh uu hoos u dhigay saameyntooda oo sidii ay filayeen aysan waxaba u noqon, waxaana fursadihii dowladda helay xubno aan bixin juhdi badan iyo kuwa markii hore toos u diidanaa in Xasan mar kale ku soo laabto xukunka.

Meelaha uu jaha wareerka xoogan ka taagan yahay waxaa ka mid ah wasaaradda gaashaandhigga, Xasan Sheekh waxaa la sheegay inuu dhisayo saraakiil ka madax-banaan wasiirka iyo taliyaha xoogga, kuwaas oo durba hoos u dhigay awoodii madaxda wasaaradda iyo taliska sare ee ciidanka xoogga.

Waxaa jira jaha wareer guud, waxaana lagu wareersan yahay qorshaha Madaxweynaha, ma jirto cid sheegan karta milkiyadda dowladda, taasi oo baahisay masuuliyadda, isla markaana fududeysay in wax badan oa qaldamaan dowladda, mararka qaar waxaa muuqata in talaabooyinka uu qaadayo Xasan Sheekh ay fursad siinayaan Farmaajo iyo xubno lamid ah oo la ogyahay heerkii ay gaartay sumcadooda hoggaaminta dowladnimada.



Source link