Maxaa ka jira in Jen. Asad Diyaano loo Magacaabayo taliyaha Booliska Somalia?

Posted on

Warar Madax banaan ayaa tilmaamaya in Shirka Gollaha Wasiirada Somalia berri oo khamiis ah lagu ansixin doono Taliyaha Booliska Soomaliya oo lagu wado in loo magacaabo General Asad Cismaan Diyaano.

Wasiir Arrimaha Guddaha & Federaalka Cali yusuf Cali Xoosh oo ah shaqsiga ugu wayn ee waqtiga badan ku bixiyay in Asad loo Magacaabo booskan ayaa ugu dambayn qorshihii u waday wuxuu u muuqdaa mid inuu hirgalo ku dhow maadaama ilaa labo jeer oo hore uu fashilmay Iskuday isaga iyo Kooxdiisu ay waqti badan ku bixyeen in Booskaas loo Magacaabo Siyaasi Asad Diyaano.

Kooxda u hormuudka u yahay Wasiir Xoosh oo hawshaan karkarinaya waxa ka mid ah Wasiir Fartaag, Wasiir Bidhaan, Siyaasi Xasan Shire Abgaal iyo Madaxwaynaha Jubaland.

General Asad Cismaan Diyaano oo ka soo jeeda Puntland ayaa hadii ay dhab noqoto in xilkan loo magacaabo waxaan ku farxi doonin  Madaxweyne Deni oo siyaasigan aysan isku wanaagsaneyn, magacaabistiisana lagala tashan.

Diyaano ayaa ka mid ah aa musharaxiintii Madaxweyne Deni la tartamay labadii xili doorasho ee la soo dhaafay, waxaana Deni doorashadii hore uu Diyaano kaga guuleystay hal cod oo kaliya.

Sidoo kale Diyaano waxaa uu qeyb weyn ku leeyahay aasaaska iyo hogaanka ciidanka PSF oo sanado ka hor dagaal dhiig badan uu ku daatay magaalada Boosaaso kula galay ciidanka Madaxweyne Deni.

Magacaabista Diyaano ayaa laga cabsi qabaa iney uga sii darto khilaafka siyaasadeed ee ka dhex aloosan Dowlada dhexe ee Somalia & Puntland

Source link