Maxaa ka jira in dowladaha Somalia iyo Iran ay dib u soo celinayaan xiriirkooda?

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Wadamada Iskaashiga Islaamka ayaa lahjad adag ku dhaleeceeyay Israel, iyaga oo ku dhaliilay tallaabooyin aan wanaagsaneyn sida ay sheegeen oo ka dhan ah weerarka ay ku hayaan shacabka Falastiin iyo ku xad gudubka gobannimada Iiraan.

Kulan ka dhacay Jiddah ayaa wasiirrada arrimaha dibedda ee dalalka Islaamku waxa ay soo jeediyeen in baaro xad-gudubyadii dhacay oo ay ku eedeeyeen Israel.

Bayaan ay sii daysay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu muujiyay sida Waddamada Islaamku uga xun yahiin ku xad-gudubka gobanimada Iiraan, xilli xukuumadaha Muqdisho iyo Iiraan uusan ka dhexeyn xiriir diblumaasi ah.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ka qeyb galay shirka wadamada Iskaashiga Islaamka, kaas oo looga hadlay xadgudubka Israa’iil ay ku heyso madaxbanaanida iyo gobanimada dalka Iran, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda.

Shirkaas ayaa 8-dii bishaan ka dhacay magaalada Jiddah ee dalka Sacuudiga, waxayna Soomaaliya iyo dalalka kale ee carabta dalbadeen in la baaro xadgudubyada Israa’iil ay ka geysatay dhulka Falastiin.

War-saxaafadeedka oo ku qoraa luuqada carabiga ayaa wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya waxay ku sheegtay in sidoo kale ay dalbadeen in la baaro xadgudubka uu maamulka Israa’il u geysatay Jamhuuriyadda Iiraan.

Duqeyn ay fulisay ay gudaha Iraan ka fulisay Israa’iil ayaa lagu dilay hoggaamiyihii Xamaas Ismaaciil Haniyeh, waxaana cirka isku shareertay xaaladda bariga dhexe.

Dowladda Soomaaliya oo wax cilaaqaad ah aysan kala dhaxeyn dowladda Iran, isla markaana xiriirka u jartay 2015-kii ayaa hadda ka mid ah wadamada u doodaya ee sida weyn u garab istaagay Iran.

Sidoo kale waxaa jira warar soo baxaya oo sheegaya in xukuumadaha Muqdisho Tehran ay ka fekerayaan inay dib u soo celiyaan xiriirkooda diblomaasiyadeed, inkastoo aysan jirin labada dowladoodba mid si rasmi ah u xaqiijisay arrintaas.



Source link