Mareykanka oo soo fara-galiyay arrinta hubka iyo kiiska oo maraya meel xasaasi ah

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Dhacdaddii Isniintii deegaanka Sheel-Madow ee u dhow degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud looga furtay hubka faraha badan ayaa u gudubtay beesha caalamka.

Xogaha soo baxaya ayaa sheegay in arrinta hubka sharci darrada ah ee lasoo galiyay Soomaaliya ay ka fogaatay kiis Soomaaliya ku eeg, ayada oo uu soo fara-geliyay Mareykanka oo baaris ku haya dhacdadan.

Safaaradda Mareykanka ku leeyahay magaalada Muqdisho ayaa Arbacaddii si deg deg ah ugu yeertay hoggaamiyaha Galmudug Axmed Qoor-Qoor, waxaana wax laga weydiiyay dhacdadaan iyo dadka ku lugta leh.

Tallaadadiina safaaradda waxaa la sheegay inay wareysatay la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya.

Xogaha kasoo baxaysa kulamadan ayaa sheegay in Qoor-Qoor uu Mareykanka la wadaagay magacyada shaqsiyaad lagu tuhunsan yahay inay ku lug leeyihiin arrintaan. Liiskan ayaa waxaa la sheegaya inay ku jiraan siyaasiyiin, ganacsato iyo xildhibaanno.

Dhinaca kale, golaha ammaanka qaranka oo shalay yeeshay kulan aan caadi aheyn oo uu shir-guddoomiyey madaxweyne Xasan, ayaa soo saaray go’aanno lagu xakameynayo hubka, si caalamka loogu caddeeyo sida ay dowladda federaalka uga go’an tahay in tallaabo lqga qaado dadkii ka dambeeyay wixii dhacay Isniintii, aanay dibna uga dhicin markale dalka.

Golaha amniga qaranka ayaa gaaray adkeynta kormeerka hubka iyo rasaasta, mamnuucidda iibinta iyo ka ganacsiga hubka, soo gudbinta warbixin faah-faahsan oo ku saabsan hubka sharci darrada ah iyo in si deg-deg ah maxkamad loo soo taago dadka ku lugta leh hawshan sharci darrada ah.

Madaxweynaha ayaa dhankiisa adkeeyay muhiimada hirgelinta shuruucda xakameynta hubka iyo rasaasta, ayada oo kulankaas ay xaadir ku ahaayeen inta badan mas’uuliyiinta sare ee dowladda.



Source link