Mareykanka oo qaaday tallaabo ka dhan ah hogaamiyaha XAMAS

Posted on




Gaza (Wararka Maanta) – Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa Talaadadi shalay ku dhawaaqday eedo danbiyeed oo ka dhan ah hoggaamiyaha Xamaas Yaxya Sinwaar iyo saraakiil kale, kuwaas oo lala xiriirnayo in ay ka danbeeyeen weerarkii todobadii October ay Xamaas ku qaadday waqooyi Isra’iil.

Maxkamad heer federal ah oo ku taalla magaalada ayaa madaxda Xamaas ku soo oogtay 7 fal-danbiyeed oo ay ku jiraan shirqoolka ah in taageero agab ah loo fidiyo urur argagixiso shisheeye taasoo keentay dhimasho, shirqool dil muwaadiniin Maraykan ah iyo shirqool lagu maalgelinayo argagixisada.

Waxay kaloo dacwadani ku eedeysay Iran iyo ururka Xibsullah ee Lubnaan, in ay taageero isugu jiro dhaqaale iyo hub ay ka mid yihiin gantaallo iyo saanad millatari siiyeen Xamaas, isla markaana Xamaas hubkaasi u adeegsatay weerarki waqooyiga Isra’il.

Yaxya Sinwaar ayaa hadda ku dhuumaaleysanayo surin la isaga duso oo dhulka hoostiisa ah oo ku yaalla Marinka Gaza. Waxaa horay madaxiisa dil u dul dhigtay dowladda Isra’il.

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay, in saddex ka mid ah eedeysanayaasha la rumeysanyahay in ay dhinteen.










Source link