Mareykanka oo ka hadlay howlgal muran adag ka dhex abuuray DF & Puntland

Posted on




Taliska milatariga Maraykanka ee Africa (AFRICOM) ayaa sheegay inaysan ku lug lahayn hawlgal la sheegay inuu ka dhacay buuralayda Calmadow ee gobolka Sanaag.

Hadalkan ayaa VOA loogu sheegay farriin qoraal ah oo ka jawaabayey su’aal ay weydiisay taliska.

Dawladda Soomaaliya ayaa 26-kii bishan soo tebisay in hawlgal ka dhacay buuralayda Calamdow oo ay ka qeyb qaateen saaxiibada caalamiga ah lagu dilay in ka badan 20 ka tirsan al-Shabaab.

Maalintii xigtayna, mas’uul ka tirsan maamulka Puntland ayaa sheegay inuusan howlgal ay ciidamo ka tirsan DF iyo kuwa Mareykanku ka fuliyeen Sanaag

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in mamaulka Puntland ay gacanta ku hayaan degaanadaas, dawladda federaalkuna aysan kartideeda lahayn inay hawlgal ka fuliso degaanadaas, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka ayaase qiray in la xaqiijiyey inay qaraxyo dhaceen, waxaase uu sheegay inay diidan yihiin in dawladda federaalku sheegato inay fulisay ama wax ka fulisay.




Source link