Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta Madaxtooyadda ku saxiixay…

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku saxiixay buugga tacsida guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Marxuum Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Allaha u naxariiste Prof. Jawaari ayaa 28 Juun 2024 ku geeriyooday magaalada Muqdisho, ayada oo aas qaran loogu sameeyay isla caasimada, kaasi oo ay ka qayb-galeen mas’uuliyiin, ehellada marxuumka iyo shacab fara badan.

Buugga tacsida ayaa maalmo ka furnaa gurigii ku geeriyooday guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof. Jawaari, iyada oo maanta ugu dambeyn uu Madaxtooyadda ku saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Jawaari ayaa waqtigiisii ugu badanaa soo geliyay dowlad dhiska Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale ka mid ahaa haldoorka ummadda Soomaaliyeed.

Prof Jawaari ayaa ku dhashay magaalada Afgooye sanadkii 1945-tii, wuxuuna ku koray yaraantiisii degmada Buur-Hakaba ee gobolka Bay.

Wuxuu cilmiga sharciga ka bartay jaamacadii umadda Soomaaliyeed, intii u dhexeysey 1979-1985 waxa uu soo noqday sanadkii 2012-kii guddoomiyaha Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, Barlamaankaas oo ahaa kii ugu horreeyey ee lagu doorto gudaha dalka oo ay odoyaasha dhaqanku soo xulleen.

Sanadkii 2017-kii ayuu mar kale noqday guddoomiyaha Golaha Shacabka balse xilkaas ma dhammaysan muddo xileedkiisa ka dib markii uu iska casiley.

Hadda wuxuu ka mid ahaa guddi madaxweyne ee uu Xasan Sheekh u magacaabay difaaca madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya ka dib khilaafka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.



Source link