Madaxweyne Xasan Sheekh oo Itoobiya u diray baaq culus oo la xiriira shirka Ankara

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale si adag uga hadlay xiisadda Soomaaliya kala dhaxeysa dowladda Itoobiya, wuxuuna bidhaamiyey heerka uu gaarsiisan yahay damaca ku jira Itoobiya.

Ugu horeyn madaxweynaha oo ka hor-hadlayey labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xukuumadiisa oo cuskaneysa qaraarkii baarlamaanka JFS  ay fagaare kasta oo caalami ah geysay damaca waalan ee Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya.

“Aniga, xukuumadda iyo cid kasta oo naga mid ah waxay gole kasta iyo goob kasta u tagtay sidii aan u muuji laheyn qadiyadeena, dowladda Itoobiya ayadaa caalamka wareegeysa, iyadoo ka carareysa qaladkii ay gashay ee diblomaasoyadeed oo xad-gudub ku ah xeerarka caalamiga ah ee maanta dunida looga dhaqmo,” ayuu yiri Madaxweynaha JFS.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hoosta ka xariiqay in Itoobiya ay caalamka ku wareegeyso iyadoo aan wax xal ah ogoleyn, isagoo tusaale u soo qaatay wadahadlkii ugu dambeeyey ee fashilmay markii la isugu tegay Ankara.

“Toddobaadkii lasoo dhaafay Turkiga ay noogu yeeray inaan aqbalno gogol, ay Itoobiya codsatay, nasiib darro mowqifkii Itoobiya waxaba iskama bedelin, taasi waxay sababtay in gogosha mar kale dib loo dhigo, iyadoo aan la is horfariisan, gogoshaan Itoobiya ayaa codsatay in dib loo dhigo,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in Itoobiya ay sidaan oo kale ugu fashilantay gogol ay dhigtay Kenya, “Gogol bilow aheyd oo Nairobi ka furantay ayay Itoobiya dib u dhigtay, kadibna waa ku guul-dareysatay, “waxaan rajeynayaa tana in aysan lamid noqon gogoshii hore, oo aysan ka bixin balantii aan lasoo galnay walaalaheena Turkiga,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh ayaa mar kale ku celiyey in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed aysan wax colaad ama naceyb ah u qabin shacabka Itoobiyaanka ah, balse madaxda dalkaas ayuu ugu baaqayo inay u hoggaansamaan sharciga iyo deris wanaagga, “Shacabka Itoobiya waxaan u rajeynayaa in ilaahey ka saaro dhibaatooyinka heysta,” ayuu yiri.

Madaxweynaha Soomaaliya oo hortaagan baarlamaanka dalka ayaa si cad u sheegay in Itoobiya ay diiday inay ku dhaqanto sharciga, “Inta si derisnimo ah noogu timid wali nagalama hadlin arrimaha maanta taagan, hadana nasiib darro meel kasta ayey wareegayaan, iyagoo dhahaya Soomaaliya nala heshiisiiya,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Sheekh.



Source link