Muqdisho (Wararka Maanta) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta hortegay labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta dalab culus u gudbiyay baarlamaanka, maadaama dalka uu ku jiro xaalad cakiran oo adag.
Ugu horreyn madaxweynaha ayaa labada Aqal la wadaagay go’aannadii kasoo baxay shirka golaha wadatashiga qaranka, gaar ahaan arrinta doorashooyinka qof iyo cod ah.
“Dastuuri ma ah doorashada dadban, dimuquraadigana ka fog” ayuu khudbadiisa ku yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Isaga oo sharraxaad ka bixinayay sida ay ku suurageli karto doorasho toos ah ayaa madaxweynuhu wuxuu qiray in dalka oo dhan aysan ka dhici karin xilligan, balse ay u qaadayaan tallaabadii u horreysay, si dadweynaha inta heli karto fursadda ay u codeeyaan.
“Ma rajeyneyno in 20-ka milyan ee Soomaalida ah ay codeyso safarkan hadda nasoo hayo, laakiin safarka kun kiilo-mitir loo aadayo wuxuu ka bilowdaa tallaab, tallaabtii ugu horreysay ee doorasho qof iyo cod ah 55 sano kadib wa daw inaan qabano” ayuu raaciyay.
Intaas kadib madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalab xasaasi ah u gudbiyay xildhibaannada labada gole, wuxuuna ka codsaday inay kalfadhiggooda ay ku daraan hal bil oo dheeraad ah, isla markaana fasaxooda ugu hiilayaan dalka iyo dadka, maadaama ay taallo shaqo adag, lagana sugayo inay go’aan ka gaaran heshiiska la gaaray.
“Baarlamaanka sharafta leh waxaan ka codsanayaa in bisha ugu horeysa ee fasaxiisa uu u huro dalka” ayuu mar kale yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale waxaa codsiga madaxweynaha dood ka yeeshay baarlamaanka oo ugu dambeyn aqbalay in bisha ugu horeeya fasaxooda ay sii shaqeeyaan.
Si kastaba, tallaabada uu qaaday maanta madaxweynaha ayaa kusoo aadayo, iyada oo khilaaf siyaasadeed oo horleh uu ka dhashay go’aanada kasii baxay shirkii ugu dambeeyay ee golaha wadatashiga qaranka, waxaana ka horyimid Puntland Jubbaland iyo Mucaaradka.