Madaxweyne Xasan oo u tegay ciidamada cirka ee loo tababarayo Somalia + Sawirro

Posted on

Asmara (Wararka Maanta) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan dalka Eritrea  ayaa isaga oo uu weheliyo Madaxweynaha dalkaas Mudane Isaias Afwerki waxa uu kormeer ugu tagay cutubyo ka tirsan ciidanka Cirka Soomaaliya oo tababar ku qaadanaya xarunta ciidanka Cirka ee Ereteriya (EAF) ee magaalada Asmara.

Ugu horreyn Xasan Sheekh ayaa salaan sharaf ka qaatay ciidanka isagoo intaas kadib u kuur-galay xaaladaha ay ku sugan yihiin, wuxuu warbixinno ka dhageystay qaar ka mid ah saraakiisha iyo askarta uu tababarka u socdo.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa intaas kadib soo gaba gabeeyey Socdaalkii uu ku joogay Magaalada Asmara ee dalka Ereteriya.

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale la filayaa inuu wadahadal la yeesho dhiggiisa dalka Eritrea iyaga oo ka wada-hadli doono xoojinta xiriirka labada dal iyo sidoo kale arrimo badan oo muhiim u ah iskaashiga labada dal.

Horraantii sanadkan unbey aheyd markii madaxweynaha uu safar ku tegay Asmara, maalmo un kadib markii Itoobiya iyo Somaliland ay heshiis is-afgarad ku gaareen Addis Ababa, kaasi oo madaxweyne Muuse Biixi uu Itoobiyaanka ugu saxiixay qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

Is-afgaradka ay la gashay Itoobiya ayey Somaliland ku sheegtay inay marin-badeed 20KM ah kaga kiraynayso Itoobiya muddo 50 sano ah, halka Itoobiya ay Somailand “u fidinayso aqoonsi.” Hase yeeshee weli heshiiskan mana noqon mid dhaqan-gala.

Xiriirka Eritrea iyo Itoobiya ayaa xumaa tan iyo markii uu dhammaaday dagaalka gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, oo ay heshiiyeen xukuumadda Abiy iyo Jabhadda TPLF, waxayna Soomaaliya xilligaan u aragtaa saaxiib muhiim ah.



Source link