Madaxweyne XASAN oo shaaciyay arrin ka dambeysa dagaal beeleedyada dalka

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag kaga hadlay dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday gobollo badan oo kamid ah dalka, isaga oo shaaciyay cidda ka dambeysa.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dagaalladan soo noqnoqday uu kamid yahay qorshaha ay Al-Shabaab isaga horkeeneyso beelaha Soomaaliyeed, si ay uga dhex faa’iideysato.

Ujeedka waxa uu tilmaamay inuu yahay inay isaga jeediso dagaalka culus ee looga xoreynayo dalka, kaas oo ay ka qayb qaadanayaan ciidanka iyo dadka deegaanka

“Baryahaan dagaalada ahliga ah ee soo noqnoqday, waa qayb ka mid ah qorshaha cadawga iyo argagixsada ay iskaga horkeenayaan shacabka Soomaaliyeed, si aan uga sii jeesanno ka xoreynta dalka Khawaarijta” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa bogaadiyay dadaalka dowlad goboleedyada ee ku aadan daminta colaaddaasi, wuxuuna xusay in cid kasta looga baahan yahay inay qaadato kaalinteeda.

“Waxaan bogaadinayaa dowlad goboleeyda ku howlan damminta colaadaha ka jira degaannada qaarkood. Waana waajib dhamaanteen ina saaran inaan u guntano joojinta coladahaas. Waxaan sidoo kale bogaadinayaa siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka,culimada iyo ururrada bulshada ee iyagane ku howlan damminta colaadaha.

Waxaa kale oo uu yiri “Dalkeenna waan nabadaynaynaa, Khawaarijtana dalka waan ka saaraynaa”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dagaal ugu dambeeyay uu ka socdo degmada Luuq ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed, waxaana uu sababay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed oo baaxad leh.



Source link