Madaxweyne Xasan oo Nairobi kaga qeyb galaya Shir arrimo muhiim ah looga hadlayo

Posted on




Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirka sanadlaha ah ee bangiga Horumarinta Afrika uga qeybgalaya magaalada Nairobi Kenya.

Shirkan oo ah mid heer madaxweyne ayaa waxaa sannadkaan diirada lagu saarayaa dib u qaabaynta qaab-dhismeedka maaliyadeed ee dalalka Afrika ay kamid tahay Soomaaliya oo soo kabasho ku jirta..

Shirkaan ayaa waxaa kasoo qeyb geli doona qaar badan oo kamid ah madaxweynayaasha dalalka Africa iyo qaar badan oo ka mid ah iyo Madaxda Banka horumarinta ee qaarada Afrika.

Soomaaliya ayaa heer fiican ka gaartay toosinta, maaraynta iyo maamulka maaliyadda taas oo keentay in dalka laga cafiyo dayntii lagu lahaa, isla markaana hay’adaha dhaqaalaha ee Adduunku sida World Bank, IMF iyo AfDB ay ku amanaan Dawladda Soomaaliyeed heerkeeda maaraynta Maaliyadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com




Source link