Muqdisho (Wararka Maanta) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa kulan deg-deg ah oo casho sharaf ah ku casuumay xildhibaannada labada Gole, kaas oo ka qabsoomaya xarunta madaxtooyada.
Farriin loo diray xubnaha labada Aqal ayaa lagu wargeliyay casuumaadda uu u fidiyay madaxweynaha, waxaana lagu sheegay qoraalka in kulanka uu qabsoomayo 7:00 habeenimo.
“Xildhibaannada sharafta leh, caawa waxaa jirta casho sharaf labada Aqal oo uu sameeyay Madaxweynaha JFS, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud. Goobta Villa Soomaaliya waqtiga waa 7:00pm (Fiidnimo) Mahadsanidiin” ayaa lagu yiri farriinta loo diray xildhibaannada.
Sida ay ogaatay Wararka Maanta, ujeedka uu madaxweynaha isugu yeeray xildhibaannada ayaa ah inuu ka dalbado in muddo bil ah lagu daro kulamada kalfadhiga Baarlamaanka oo la filayo in dhowaan la soo xiro.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in qorshaha Villa Soomaaliya uu yahay in muddada u furan yahay kalfadhiga baarlamaanka lagu horgeeyo hindiseyaasha doorashooyinka iyo guddiga la magacaabi doono, si loo ansixiyo.
Kulankan caawa loogu yeeray xildhibaannada labada Gole ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Muqdisho uu ka socdo shirka golaha wadatashiga qaranka oo ay ka maqan yihiin Jubbaland iyo Puntland oo la filayo in laga soo saaro go’aanno la xiriira doorashooyinka.
Arrinta ugu wayn ee laga filayo shirka ayaa ah in madaxda ay ku dhawaaqaan go’aan muddo kororsi hal sanno ah, oo lagu qabanayo doorashooyin qof iyo cod ah, laakiin arrintaan ayaa ah mid horay ay uga digeen mucaaradka iyo maamullada ka maqan shirka.
Si kastaba, lama sida ay wax noqon doonaan iyo sida ay baarlamaanka ka yeelan doonaan go’aannada la filayo inay soo saaraan golaha wadatashiga qaranka.