Madaxweyne Xasan oo dhabarka ka jabiyay Xil: Fowsiyo Xaaji oo u sharaxneyd xilka Guddoomiyaha…

Posted on

Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo u sharaxneyd xilka guddoomiyaha Midowga Afrika ee doorashadiisa dhaceyso sannadka soo socda ,ayaa lagu cadaadiyay in ay ka harto tartanka una tanaasusho dowlad kale.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’isul Wasaare Xamse Barre iyo madaxda kale ee dowlad goboleedyada dalka ayaa si weyn ugu cadaadiyay xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan in tartanka doorashada isaga harto kana tanaasusho.

Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji oo maanta warbaahinta shir jaraa’id ugu qabatay ayaa ka hadashay cadaadis uga yimid madaxda dalka ugu sarreeya , kuwaa oo uga baxay ballamihii ay horey u galeen kuna cadaadiyeen in ay doorashada ka harto.

Waxa ay sheegtay xildhibaan Fowsiya in si wadajir ah ugu yeereen Madaxweynaha, Ra’isul Wasaaraha iyo madaxda maamul goboleedyada, waxa ayna sheegtay in dhammaan u sheegeen in ay isaga harto tartanka una tanaasusho dowladda Jabuuti oo kursigaasi rabta.

Xildhibaan Fowsiya ayaa sheegtay in ay aad uga naxday ugana niyad jabtay codsiga loola yimid, waxa ayna xustay in madaxda weydiisay danta ugu jirta in ay doorashada ka harto, iyadoo tilmaanta in ay jawaab u waayeen kaliyana u sheegeen in Madaxweyne Geelle codsaday.

Waxa kale oo ay sheegtay in kursigan olole xooggan u gashay ayna kasbatay taageerada waddamo badan oo Afrikan ah ay ugu horreeyaan kuwa ku jira ururka Islaamka iyo dalal kale oo Afrika kuyaalla, waxa ayna xustay in ay heesato codad ay ku guuleysan karto.

Fowsiya ayaa hadalkeeda ku dartay in sidan oo kale Madaxweyne Xasan Sheekh sanandkii 2016-kii uga reebay kursiga doorashadan ay u sharaxneyd, waxa ayna xustay in xilligaasi Madaxweynaha uga reebay kaliya in Kenya oo u sharaxneyd kursigaasu ka dalbatay, ayna ku guuldareesatay Kenya in ay hesho.

” Tiro labo jeer ayaa la iidiidan yahay la igana reebayaa kursiga guddoomiyaha Midowga Afrika tartankiisa, waxana garan la ahay sababta la ii takoorayo , ma haweenimadaa mise waa sababo kale oo qarsoon, mansabkaas labo mar ayaa la iga hor istaagay, waa la tartamayaa haddii dowladaha ku heshiiyaan in looga horo midka ugu horreeya, balse lama arag qof in tartan aan wali la gelin dowlad kale darteed loga reebo” ayey tiri Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf.

Ugu dambeyn Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa shaacisay in aysan ka tanaasuli doonin tartanka doorashada guddoomiyaha Midowga Afrika ay u sharaxan tahay, iyadoona so cad isaga diiday dalabkii madaxda dalka ee ahaa in Jabuuti u tanaasusho mar kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link