Madaxweyne Joe Biden oo shaaciyey goorta uu xilka ku wareejinayo Trump, farriina u diray …

Posted on

Washington (Wararka Maanta) –Madaxweynaha xilka ka degaya ee dalka Mareykanka Joe Biden ayaa jeediyey hadalkiisii ugu horreeyay ee fagaare uu ka jeediyo tan iyo markii xisbigiisa Dimuqraadiga ah uu lumiyay Aqalka Cad.

Joe Biden ayaa sheegay in guulaha madaxweynanimadiisa la dareemi doono toban sano, isagoo ballan qaaday in uu si habsami leh oo nabad ah ugu wareejin doono xilka Madaxweynaha la doortay Donald Trump.

“Waxa aan ka tageynaa Mareykanka oo leh dhaqaalaha ugu xooggan adduunka,” ayuu yiri Joe Biden oo xisbigiisa looga guuleystay doorashada Mareykanka.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Hadda waxa aan haysanaa 74 maalmood oo aynu ku dhameeynayno waqtiga muddo xileedkayagu, aynu maalin walba xisaabinno.”

Madaxweynaha Mareykanka ee xukunka ka sii degaya ayaa hoosta ka xariiqay in masuuliyadi ay ka saaran tahay horumarinta wadanka inta uusan wareejin xukunka, isagoo ka faa’iideysanaya fursada uu weli heysto.

“Guuldaradu waa mid aan laga maarmi karin, laakiin quusashadu waa mid aan la cafin karin,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweyne Joe Biden.

Isagoo kaftamaya ayuu Biden yiri “Dhammaanteen waa nalaga adkaaday, laakiin cabbirka dabeecaddeena.”

Hadal-jeedinta Biden ayaa aheyd mid loogu niyad qaboojinayo taageerayaasha xisbiga, maadaama laga guuleystay, wuxuuna yiri, “Aan dib isugu noqono oo wixii naga qaldamay saxno.”



Source link