Madaxweyne Guudlaawe oo Shaqadooda u fasaxay wasiirro xayiraad shaqo horey loo saaray

Posted on




Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa wareegto uusoo saaray xayiraada uga qaaday wasiiradda wasaaradaha Ganavcsiga iyo Haweenka oo horey shaqada looga joojiyay.

”Markii uu arkay Madaxweynaha qoddobada 56-aad iyo 57-aad iyo howlaha ku hor-gudban waxa uu xayiraada shaqo ka qaaday Wasiirrada Wasaaraddaha Haweenka iyo Ganacsiga oo ay kala hoggaaminayeen Mudane Sakariye Khaalid Cabdi iyo Marwa Raxma Maxamed Gulle”ayaa lagu yiri wareegtada Cali Guudlaawe soo saaray.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tilaabadani kala tashaday Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) kaas oo horay shaqo-joojin ugu sameeyay 4-xubnood oo ka mid ah Gollaha Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle kuwaas oo 2-dii ugu dambeysay ay maanta shaqaddooda dib ugu laabanayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com




Source link