Madaxweynaha Soomaaliya oo war kasoo saaray geerida Sheekh Cusmaan Xiddig

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Madaxweyaha dowladda federaalka Soomaaliya ah ee Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay geerida ku timid Allaha u naxariistee Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cusmaan Xiddig) oo xalay saq-dhexe ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada marxuumka, culimada iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka baxay caalimkii waynaa ee Sheekh Cusmaan Xiddig.

Sheekha ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku xanuunsanaay magaalada Muqdisho oo lagula tacaalayey xaaladdiisa caafimaad, waxaana geeridiisa xaqiijiyay Sheekh Maxamed Daa’uud oo kamid ah xertiisa, kaas oo sheegay inay xalay saq-dhexe uu geeriyooday Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Sheekha isla maanta lagu aasi doono agagaarka masjidu Shifaa oo ku yaalla gudaha degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada, culumaa’udiinka iyo  dhammaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cusmaan Xiddig) oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Sheekh Cusmaan Xiddig uu ahaa caalim weyn, daaci iyo macalin udub dhaxaad u ahaa barida iyo faafinta diinta islaamka,  isagoo tacab iyo waqti badan galiyay soo saarista culumo aqoon durugsan u leh diinta Islaamka iyo Jiilal waxtar u leh dalkeenna.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.  Alle ha u naxariisto Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud waxa uu ahaa caalim tacab iyo waqti badan galiyay baridda iyo faafinta diinta islaamka, waxaana ka aflaxay culumo badan oo soomaaliyeed oo maanta door weyn ku leh fidinta diinta”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, sabar iyo iimaanna ka siiyo ehelada Marxuumka, culimaa’udiinka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed

DHAMMAAD



Source link