Madaxda DFS iyo kuwa dowlad goboleedyada oo kala shakiyay iyo Shirkii loo ballansanaa oo…

Posted on




Waxaa maanta baaqday shirkii Golaha Wadatashiga Qaran uu iclaamiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, waxa ayna xukuumadda sheegtay in shirkaasi u baaqday kaliya cilado farsamo aan la shaacin.

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in shirka dib u dhaca ku yimid kaddib markii uu kala shaki iyo isfaham darro soo kala dhax galay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Shirkan ayaana diirada lagu saari lahaa arrimo ay kamid yihiin amniga dalka, wax ka bedelkii Dastuura iyo sidoo kale doorashada la filayo in ay ka dhacdo dowlad goboleedyada iyo mida Federaalka.

Madaxda dalka ugu sarreeya ayaa wararku sheegaaan in ay wadaan qorshe mar kale waqtiga loogu dheereenayao madaxda dowlad goboleedyada dalka oo badankooda dhammaaday muddo xileedkii rasmiga




Source link