Madax sare oo XAMAAS oo la shaaciyay dilkiisa maalin uun kadib khaarijinti Haniya

Posted on




Tel Aviv (Wararka Maanta) – Millatariga Israel ayaa shalay sheegay in duqeyn cirka ah oo ay bishi hore ku bartilmaameedsadeen batamaha Gaza ay ku dileen Maxamed Deyf oo ahaa madaxa garabka hubeysan ee ururka Xamaas.

Warkan ayaa imanaya maalin kaddib markii magaalada Tehran ee caasimadda dalka Iran lagu khaarijiyay madaxii siyaasadda Xamaas, Ismacil Haniyah.

Bayaan kasoo baxay millatariga Israel ayaa lagu sheegay in qiimeyn dhanka sirdoonka ah ay ku ogaadeen in Maxamed Deyf uu ku dhintay duqeyn ay diyaaradaha dagaalka Israel ka fuliyeen aagga magaalada Khan Younis 13-ki bishi July.

Israel waxay ku eedeysay Deyf in uu ahaa maskaxdi ka danbeysay weerarki ay Xamaas ku qaadday koofurta Israel 7-dii bishi October ee sannadki hore.

Weerarkaas oo ay Israel sheegtay in looga dilay ilaa 1,200 oo qof, sidoo kalana ay Xamaas ku soo afduubatay boqollaal kale oo Isra’iiliyiin ah.

Xamas wali ma xaqiijin mana beenin dilka madaxii garabka millatariga, Maxamed Deyf.

Duqeyntii ay Israel ku sheegtay in ay ku dishay sarkaalkaasi ayaa waxaa sidoo kale lagu dilay in ka badan 90 qof oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jireen dumar iyo carruur.










Source link